Sacuudiga oo damacsan qorshe cusub oo la xidhiidha Xajka sannadkan

0
670

Sacuudi Carabiya ayaa laga yaabaa inay si weyn u xadiddo tirada dadka sannadkan imanaya Xajka, si looga hortago in cudurka Coronavirus uu sii faafo, kadib markii kiisaska safmareenkan ee dalkaas ay dhaafeen 100,000, waxaa sidaas sheegay ilo-wareedyo xog ogaal ah.

Qiyaastii 2.5 milyan oo qof ayaa sannad kasta taga magaalooyinka Makka iyo Medina, si ay usoo gutaan Xajka, waxaana Sacuudiga sannadkiiba kasoo gala dakhli dhan 12 bilyan oo dollar.

Sacuudi Carabiya ayaa bishii March weydiisatay Muslimiinta inay hakiyaan qorshyaashooda Xajka, waxaana illaa amar dambe ay hakisay Cumradii.

Laba il-wareed oo xog-ogaal u ah arrintan ayaa sheegay in mas’uuliyiinta ay ka fakarayaan in sannadkan la ogolaado “kaliya tiri matalaad ah”, ayada oo lasoo rogi doono tallaabooyin adag oo ay ka mid yihiin inaan la ogolaan dadka da’da ah, iyo tijaabooyin caafimaad oo dheeraad ah.

Mas’uuliyiinta ayaa rumeysan in ayada oo la raacayo hanaan aad u adag, la ogolaan karo kaliya 20% qoondada tirada dadka uu dal walba helo sannadkii, sida uu il-wareed kale u sheegay Reuters.

Qaar ka mid ah saraakiisha ayaa soo jeedinaya in gebi ahaan la baajiyo Xajka sannadkan, oo la filayo inuu billowdo daba-yaaqada bisha July, sida ay sheegeen saddex il-wareed oo kale.

Xafiiska warbaahinta dowladda iyo afhayeenka Xajka ee wasaaradda Xajka iyo Cumrada ayaa diiday inay ka jawaabaan su’aalo arrintan laga weydiiyey.

Xajkii 2019 ayaa waxaa ka qeyb galay 2.6 milyan oo qof, halka 19 milyan oo kale ay sanandkaas u tageen Sacuudiga Cumrada.

REUTERS

Leave a Reply