Wasaaradda Deegaanka Oo Dad Danno Gaara Leh Ku Eedeeyay Cabashadda Odayaasha Seeraha Casuurra

0
484

Hargaysa (Dawan): Agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka Somaliland ayaa ku eedeeyay in ay ka danbeeyaan dad danno gaara leh cabashadda odayaasha iyo waxgaradka deegaanka Yagoori ee gobolka Sool, ee la xidhiidha Seerre-xiliyeed ay dhawaan wasaaradda deegaanku ka samaysay deegaanka Casuurra.

Waxaanu sheegay in markii ay dhawaan Seeraha deegaanka Casuurra soo xidhayeen ay dadka deegaanka Yagoori si wanaagsan u soo dhaweeyeen, hase yeeshee dad danno siyaasadeed iyo dannahoodii gaarka ahaa ka dhex arki waayay ay ka danbeeyaan.

C/naasir Axmed Xirsi, oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa ka jawaabay cabashadda ka soo yeedhay qaar ka mida odayaal ka soo jeedda gobolka Sool oo dhawaan sheegay in ay ka soo hor jeedaan Seere-xiliyeedyo ay wasaaradda deegaanka Somaliland ka xidhayso deegaanka Yagoori ee gobolka Sool.

Agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka ayaa ku booriyay madax dhaqameedka iyo dadka deegaankaasi in waxyaabo badan oo faa’iido ah ugu jiraan hirgelinta xidhitaanka Seeraha Casuurr.

C/naasir Axmed Xirsi, waxa kaloo uu sheegay in dadka deegaanka Yagoori ay yihiin dad bisil, isla markaana diyaar u ah in wax looqabto, balse ay shaqsiyaad danno gaara leh doonayaan in ay danahooda uga faa’iidaystaan.

Geesta kale C/naasir Xirsi, waxa uu faahfaahin ka bixiyay u jeedadda ay wasaaradu ka leedahay xidhitaanka Seeraha Casuurra iyo seereyaal kaloo badan oo goboladda dalka laga xidhi doono.

Waxaanu tilmaamay in ka sekow xidhitaanka seeraha Casuura in dad badani ay ka shaqo gelayaan in ay intaa dheer tahay mashaariic kale oo ay dawladu ka fulin doonto deegaankaasi.

Dhinaca kale C/naasri Axmed Xirsi, waxa uu kula dar-daarmay bulshadda deegaanka Yagoori in ay ilaashadaan mashaariicdan horumarineed ay dawladu ku soo kordhisay deegaankoodii.

Iyadoo ay jiraan gobolo iyo degmooyin kaloo aad u doonaya in iyaga dhulkoodda looga xidho seereyaal.

Daawo: Agaasimaha Guud Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

 

Leave a Reply