Berbera: Shimbirka Tukaha iyo Kalluunka Xidhiidh Nooceeyaa ka Dhexeeya?

0
979

Magaalo xeebbeedda Berbera ee caasimadda gobolka Saaxil ayaad hiirta hore ee subaxii ku waaberiisanaysaa dhawaaqa iyo sawaxanka codka dheer ee shimbirka loo yaqaan Tukaha, kaasoo aroorta horeba luuqdiisa caanka ahi ay dhegahaaga kusoo noqnoqonayso, waxaana la odhan karaa waa xayawaanka ugu badan ee ku nool bariga magaalada Berbera, isla markaana ay kaga duwan tahay magaalooyinka kale ee Somaliland.

Shimbirka midabka madaw ee loo yaqaan Tukaha oo sida aynu ognahay, inta badan isu raaca, isla markaana hawada u heehaaba kooxo. Sidoo kalena caan ku ah cod dheer, isla markaana aan mar qudha aamusin inta iftiinka cadceedu soo jeedo, waxa uu noolahaasi kaga duwan yahay inta badan shimbiraha kale ee ku dhaqan geyiga Somaliland iyo guud ahaan caalamkaba inuu quuto oo uu cunno hilibka noocyadiisa kala duwan.

Magaalada Berbera oo noolahani sida aynu kor kusoo xusnay ku badan yahay waxaad ka dheehaynaysaa muuqiisa isagoo heehaabaya xeeliga badda iyo goobaha lagu keydiyo kalluunka, kaasoo ah raashinka uu quuto, waxaanad ku arki kartaa goobahaas isagoo ku yoonsan kalluun ama kolba dhinac u duulaya, iyadoo dhawaaqiisu  yahay mid aan kala joogsi lahayn.

Sababta ugu weyn ee shimbirka Tukuhu u doorbiday ku noolaanshaha magaalo xeebbeeda Berbera ayaa ah helitaanka hilibka kalluunka oo ay magaaladaasi iyo guud ahaan baddeeduba qani ku yihiin, kaasoo marka ay dadweynuhu  soo kalluumaystaan,  inta hadhaaga ah ee la tuuro ku dega,  marmar qaarkoodna kooxihiisa uu dagaal ku dhexmaro raqda kalluunka. Sidoo kale xeeliga oo xilliyada qaar uu kusoo caaryo kalluunka noociisa yar yari ayuu Tukuhu iyo shimbiro kale oo tiro ahaan ka yar Tukuhu ay ka ugaadhsadaan.

Leave a Reply