Waa Maxay Faa’iidada Ama Khasaaraha Caafimaad ee Kalluunka iyo Caanaha la isku Cunaa?

0
956

Waxa shaki la’aan ah inaad maqashay talooyin badan oo lagaaga digayo in caanaha iyo kalluunka aad kala ilaaliso, iyo marka aad kalluun cunto ugu yaraan 12-saacadood inaad iska ilaaliso caanaha, haddii kalena aad la kulmi doonto dhibaato caafimaad oo ugu horreeyo cudurka Vitiligo ee haragga jirka bedela.

Hadaba, maxaa ka jira arrimahaa ay dadku ku sheekaystaan ee caanaha iyo kalluunka iska khuseeya.

In badan oo ka mid ah khubarada caafimaadku waxay leeyihiin ma jirto wax cilmi-baadhis ah oo loo hayo oo sheegaysa dhibaatooyinka caafimaad ee caanaha iyo kalluunka oo wada socda, sidaas oo kale lama hayo qof inta uu caano iyo kalluun isku cunay ku dhintay ama u geeriyooday arrintaa darteed.

Waxaaba jirtaa raashin badan oo aad dadku u jecelyihiin oo si wadajir ah loogu diyaariyo kalluunka iyo caanaha, in badan oo ka mid ah wadamada ku yaalla xeebaha kalluunka laga helo waxay ku karsadaan caanaha, dhibaato caafimaadna haba yaraatee laguma arag; waxaaba lagu dhargaa iyadoo  Calories ku yar yahay.

Tusaale ahaan, cuntada ay caanka ku tahay Badda Mediterranean-ka oo loo aqoonsan yahay iney tahay tan ugu wanaagsan uguna caafimaadka badan dunida, waxay ka kooban tahay Kalluun, Caano, xubuub, dufan iyo nuts.

Leave a Reply