Imaaraadka oo codsi naadir ah u diray shacabka Israel

0
545

Israel ma filan karto inay caadi ka dhigto xidhiidhkeeda dunida Carabta, haddii ay goosato qeybo ka mid ah dhulka Daanta Galbeed, waxaa sidaas wargeyska ugu caansan Israel maanta ku qoray safiir u dhashay dalka Imaaraadka Carabta.

Qaar ka mid ah saraakiisha Israel ayaa ku gacan seeray guuxa ah in ku darsashada qeybo ka mid ah Daanta Galbeed ay hoos u dhigi doonto isu soo dhowaansho ay la sameynayaan qaar ka mid ah dalalka Carabta – gaar ahaan kuwa Khaliijka – oo Israel ay wadaagaan walaaca laga qabo Iran.

Hase yeeshee, codsi naadir ah oo sarkaal Carbeed uu u diro shacabka Israel, ayaa safiirka Imaaraadka ee Washington Youssef Al Otaiba waxa uu ku sheegay in tallaabadan ay noqon doonto “la-wareegis sharci-darro ah” oo lagu sameeyo dhul ay Falastiin dooneyso inay dal ka dhigato.

“Ku-darsashada waxay xaqiiqdii si deg deg ah meesha uga saari doontaa damaca Israel ee ah inay xidhiidh ku saabsan hormurinta amniga, dhaqaalaha iyo dhaqanka la yeelato dunida Carabta, gaar ahaan Imaaraadka Carabta,” ayuu Youssef Al Otaiba ku qoray wargeyska loogu aqriska badan yahay Israel ee Yedioth Ahronoth, oo lagu daabaco luuqadda Hebrew-ga.

Israel wax xidhiidh diblomaasiyadeed ah lama lahan dalalka Khaliijka, hase yeeshee waxay wadaagaan walaaca ay ka qabaan saameynta Iran ee gobolka, taasi oo keentay inuu usoo noolaado xiriir kooban oo ay yeeshaan.

Bishii May, shirkadda diyaaradaha ee fadhigeedu yahay Abu-Dhabi ayaa duulimaadkii ugu horreeyey inta la ogyahay ku tagtay Israel, ayada oo gaargaar loogu talo-galay cudurka Coronavirus u sidda Falastiiniyiinta.

“Dhammaan horumarrada aad aragteen iyo mowqifyadii ku wajahaan Israel ee isbedelayey, dadkii oo noqonayey kuwa sii ogolaanay Israel, oo yareynayey cadaawaddooda ku wajahan Israel, waxaa gebigood waxyeeleyn doona go’aanka Israel ay ku goosaneyso dhulka Falastiin,” ayuu Al Otaiba ku yiri muuqaal wehliyey maqaalka lagu qoray wargeyska.

Masar iyo Jordan ayaa ah labada dal ee Carbeed ee kaliya ee xidhiidh rasmi ah la leh Israel.

Dowladda Israel ayaa damacsan inay kowda July billowdo ka doodista qorshe ay ku goosaneyso qeybo ka mid ah dhulka Daanta Galbeed.

Leave a Reply