Wasiirka Beeraha Somaliland oo Sheegay in kumanaan Beerood uu Baabi’iyey Ayaxu

0
618

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland mudane Axmed Muumin Seed, ayaa sheegay in Ayaxu si weyn u baabi’iyey dalagii beeraha iyo daaqi xoolaha.

Sidoo kale wasiir Axmed Muumin waxaa uu daboolka ka qaaday in kumanaan beero ah oo ku yaala dhammaan goboladda Somaliland uu Ayaxu baabi’iyey,  isaga oo xusay in beerahani ay isugu jiraan kuwa waraabka ku baxa iyo kuwa roobka ku baxa.

Dhanka kale Ayaxu waxa uu si weyn u xaalufiyay dhulka xoola daaqeenka ah, ahna mid ka dhashay Koron kortii uu aasay Ayax sanadkii hore fadhiistay gudaha waddanka Somaliland.

Waxaa kale oo uu wasiirku shaaca ka qaaday in sodon kun saddex boqol iyo shan iyo sodon qoys ay beerahoodi dibada uga soo baxeen kadib markii uu saameyn ku yeeshay dalagii ay beeranayeen Ayaxu.

Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland mudane Axmed Muumin Seed waxaa uu sidan ka sheegay wareysi uu siiyay Radio Ergo.

Wasiirka wasaaradda beeraha Somaliland mudane Axmed Muumin Seed waxaa uu marka hore faahfaahin ka bixiyay inta uu dhan yahay khashaaraha uu Ayaxu gaadhsiiyay beeraleyda Somaliland “Dhab ahaantii qiimeynta saaka aan gacanta ku hayo, Ayaxu sideedaba Somaliland waxaa ku fadhiya laba boqol iyo shan iyo afartan kun sideed boqol iyo toban higter, marka   laba boqol iyo shan iyo afartan kun sideed boqol iyo toban higter aan ku leeyahay waxaa ay u kala baxayaan gobolo iyo degmooyin.

Gobolka Awdal oo kale sagaal kun oo Higter ayuu kaga fadhiya beer roobaadka, beer biyoodkana laba kun oo Higter ayuu kaga fadhiyaa, marka gobolka Awdal oo kale kob iyo toban kun oo Higter ayuuu kaga fadhiyaa degmooyinkeeda iyo gobolka marka leysu geeyo, Gabiley oo kale waa meelaha ugu badan todoba iyo afartan kun oo Higter ayuu kaga fadhiya beer roobaadada, todoba boqol iyo afar kun oo Higterna waxaa uu kaga fadhiyaa beer waraabka, marka waa far iyo konton kun iyo afar boqol oo higter ayuu kaga fadhiya gobolka Gabiley, Maroodijeex sideed kun oo higter ayuu beer roobaadka ku fadhiyaa, saddex kun iyo shan boqola beer waraabka, marka waa koob iyo toban kun iyo shan boqol oo higter, Saaxil oo kale laba kun iyo sideed boqol iyo kow iyo lixdan ayuu ku fadhiya beer roobaadka, saddex kun sagaal boqol iyo sideed iyo sideetana waxaa ku fadhiya beer waraabka, marka waa lix kun sideed boqol iyo sagaal iyo afartan higter ayuu kaga fadhiya, Togdheero kale beer roobaadka waxa uu kaga fadhiya afar kun iyo shan boqol beer waraabkana waxaa uu kaga fadhiya shan boqol iyo tobada iyo toban higter, marka waa shan kun iyo todoba iyo toban, gobolka Oodweyne ee Daadmadheedh afar kun iyo shan boqol  ayuu beer roobaadka kaga fadhiyaa oo higter, shan boqol oo higterna beer waraabka, marka iyadduna waxaa weeyaan shan kun, Sool oo kale waxaa uu ku fadhiya laba kun iyo sideed boqol iyo labataan higter oo beer roobaadkiiya, iyo kun iyo saddex iyo labataan beer waraabka ah, marka waa afar kun iyo boqol iyo afartan higter, Sanaag lix kun iyo afar boqol oo higter beeraha waraabka ah, kun iyo boqol iyo toban higterna waxaa uu kaga fadhiya beer roobaadka marka todoba kun shan boqol iyo toban weeyi”

Waxaa kale oo uu wasiirku shaaca ka qaaday in sodon kun saddex boqol iyo shan iyo sodon qoys ay beerahoodi dibada uga soo baxeen kadib markii uu saameyn ku yeeshay dalagii ay beeranayeen Ayaxu “Marka isugeynta guud ee beer roobaadka uu ku fadhiya waa shan iyo sideetan kun iyo kob iyo sideetaan higter, beer waraabkuna waxaa weeyi labaatan kun saddex boqol shan iyo sodon isugeyna waxaa uu ku fadhiyaa boqol kun afar boqol iyo lix iyo toban higter, marka dhab ahaantii marka sidaasi leysugu geeyo waxaa ay noqoneysa dhul daaqsimeedkii ayaa ku jira qoys ahaan marka aanu eegnay waa laba boqol iyo sideed iyo afartan higter marka aanu qiimeynay waxaa ay noqotay sodon kun saddex boqol iyo shan iyo sodon qoys ayaa ku barakacsan saacadan aynu joogno oo beerahoodi dibada uga soo baxay oo wixii ay ka manaafacaadsanayeen aanu waxba uga tagin, sida liintii, canbihi, tamaandho xabuubtii, beerta marka uu gallo waxba kagama tagayo,  marka qofkii oo beertiisi dibada uga soo baxaya ayaad arkaysaa, marka sodon kun saddex boqol iyo shan iyo sodon qoys la yidho dad maxaa ku noolna waxaa ay noqoneysa laba iyo toban kun iyo afar boqol iyo konton qof weeyi inta ku nooli, marka dhab ahaantii dadkaasi waa kuwi ku noola wax-soo-saarka beeraha, qofna goobtiisa ka tegi maayo ee sidii uu wax ula soo bixilahaa uunbu ka fikiri doona xukuumadd ahaana wixii aanu la qaban karno waanu la qabaneynaa”

Sawirka wasiirka horumarinta beeraha Somaliland mudane Axmed Muumin Seed, /xuquuqda sawirka Radio Ergo

Leave a Reply