Ajaanib ku sugan Somaliland oo laga Helay xannuunka Covid-19

0
1727

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa maanta oo sabti ah soo bandhigtay warbixinta Baadhiitaanka COVID 19 ee 48-kii saacadood ee la soo dhaafay.

Warbixinta waxaa lagu muujiyey in Baadhitaano lagu sameeyey 133 qof, iyadoo 46 ka mid ah laga helay Coronavirus oo deegaanada Somaliland oo si maalinle ah looga soo wariyo.

Dadka laga helay Coronavirus waxaa ka mid ahaa 17 qof oo Ajnabi ah, kuwaasi oo ay 16 ka mid ah ka soo jeedaan dalka Hindiya, halka hal qofna uu Kenyan ahaa sida ku cad warbixinta maalinlaha ah.

Warbixinta wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland waxaa kaloo lagu xusay in 46-Bukaan ee laga helay COVID 19 ay kala ahaayeen 40-rag iyo 6 dumar ah, kuwaasi oo da’doodu u dhexeyso 20-jir ilaa 89-jir.

19 ka mid ah Bukaanaddaasi waxay ku nool yihiin Hargeysa, 19 kale oo ku nool Berbera, 4 qof oo ku nool Boorama iyo 4 kale oo ku nool Deegaanka Lawya-cado.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland  ayaa sheegtay in hal qof oo 68-jir ah uu COVID 19 ugu geeriyooday magaalladda Hargeysa, iyadoo tirada guud ee dadka COVID 19 ugu geeriyooday Deegaanadda Somaliland ay gaadhayso 27-qof.

 

 

Leave a Reply