Xisbiga WADDANI oo Xukuumadda ku taageeray Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya

0
676

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga WADDANI Cabdirisaaq Khaliif, ayaa sheegay in madaxweynuhu kala tashaday ka qaybgalka kulan ka dhacaya Dalka Djibouti oo ku saabsan wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

Guddoomiye Khaliif oo shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa maanta, ayaa shaaca ka qaaday in ay xisbi ahaan arrintaasi ku garab taagan yihiin Xukuumadda, kana rajjeynayaan kulankaasi natiijo wax ku ool ah oo ka turjumaysa qaranimada Jamhuuriyada Somaliland.

Warar aan rasmi ahayn oo ay warbaahintu tebisay, balse aan Xukuumadda Somaliland ka soo bixin wali ayaa sheegaya in maalinta beri ah uu magaalada jibuuti ka furmi doono shir caalami ah oo ay isku soo hor-fadhiisanayaan Somaliland iyo Soomaaliya, kaasoo ay dawladda Maraykanku soo qaban qaabisay, Djiboutina marti-gelisay.

Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga WADDANI, waxa uu tilmaamay in ay Xukuumaddu awood u leedahay hogaaminta siyaasadda masiiriga ah ee qaranka, xisbi ahaana ay ka dhur-sugayaan wixii ka soo baxa shirkaasi.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Wufuud ay kala hogaaminayaan Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya, ayey wararku sheegayaan in ay maalinta beri ah gaadhi doonaan dalka Djibouti, waxaana sidoo kale la wariyey in shirka uu guddoomin doono Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, kana qayb geli doonaan reysal-wasaaraha Itoobiya iyo madax kale.

Leave a Reply