Weedhihii Ku Qoran Nuyukliyeerka Ruushka

0
1167

Sanadkii 1960 xarunta qaramada midoobay waxa ka dhacay fadhigii 15aad  halka wakhtigan uu ka marayo kii 71aad, waxaana khudbad ka jeediyay madaxweynihii Sofiyeetka (Ruushka)  ee waagaasi Mr.Nikita Khrushchev. Waxaana uu Khudbadiisa ku yidhi: “Waxaan balan qaadaynaa Maraykanka in aan awoodayada  u muujino, waxaana uu isticmaalay Erayga Ruushka ah  “Мать Kozka”. Maalintaasi ninkii turjumaanka ahaa muu u turjumin madaxadii khudbada dhegaysanaysay eraygaasi.  Laakiin kelmadan ayaa caan noqotay iyadoo markii danbe lagu qoray darafyada dhamaan qunbula duriyihii Sofiyeetka sameeyay.

Hogaamiyaha Ruushka Nikita Khrushchev ayaa iska saaray kabtiisa waxaana uu ku hanjabay inuu miis dul dhigi doono isagoo ka mudaaharaadaya khudbadii lagu dhalleeceyay siyaasada Soviet ee dalalka Bariga Yurub.

Waxa kale oo fadhigaasi ka jeediyay khudbadii ugu dheerayd ee abid laga jeediyo minbarkaasi Mr.Fedal Castro oo ah madaxweynihii hore ee dalka Cuba ee dhintay, taasi oo iyana socotay 4 saacadood iyo 29 daqiiqo.

Waxaana khudbadiisa uu cinwaan uga dhigay: “ Falsafadda dagaalku waxay dhamaanaysaa marka ay dhamaato falsafadda boobka ummadaha”.  Waxaana uu si cad u sheegay in marka laga xoroobo falsafadda Boobka ee reer Galbeedka iyo Maraykanku wadaan uu dagaalkuna dhamaanayo. Madaxaweyne Castro ayaa ku dhaliilay madaxweynihii Maraykanka ee waagaasi Mr.Jhon F. Kandy, waxaana uu ku tilmaamay jaahil aan aqoon lahayn oo ka baqanaya taageerada Sofiyeetka ee dalkiisa Cuba. Khudbadaasi ayaa noqotay middii ugu hanjabaada iyo yaabka badnayd isla markaana ugu dheerayd..

Leave a Reply