Shaxdii Siyaasadda ee Farmaajeysned ee Muqdisho oo Fashilantay?

0
511

Dhawrkii bilood ee u dembeeyey waxa ka socday magaalada Muqdisho qalalaase siyaasadeed oo salka ku hayey qaabka loo qabanayo doorashada la filayo inay ka dhacdo magaalada Muqdisho dabayaaqada sannadka, taas oo uu markii hore uu iska qorsheystay Madaxweyne Farmaajaha Xamar inuu labada Gole ee kala ah Aqalka Sare ee Baarlamanka iyo ka Golaha shacabka ee Somaaliya uu ka diyaarsado muddo kordhin.

Qorshaha ku talo galka Farmaajo, waxa uu ahaa in muddo kordhinta uu horgeeyo  labada Gole kuna ku  sababeeyo cudurka COVID 19 awgii inaan la qaban Karin doorashada xilligeedii soo fool leeyahay,  m isagoo aan wax la tashi ah la sameyn, tixgelina mas’uuliyiinta kale ee saamiga ku leh hannaanka qabsoomidda doorashooyinka oo ay ka mid yihiin, Madaxweynayaasha Maamul-goboleedyada, Xisbiyada Qaranka iyo Ra’iisal Wasaarihiisa oo ahaa gacantiisa midig muddadii ay soo wada shaqeynayeen, kadibna shaxdiisa siyaasadeed ee muddo kordhinta ahayd sidaa ku marsado Golayaasha Qaran ee Somaaliya.

Waxa kale oo uu Farmaajo ku caan-baxay, in mas’uul kasta oo kasoo horjeesta danihiisa siyaasadeed uu ka horkeeno ku-xigeenkiisa ama uu u adeegsado xeelado kale oo ta dhaqaalaha iyo Ciidammadu ka mid yihiin. Waxa kale oo  uu Farmaajo barbar waday  shaxda muddo kordhinta shax kale hadday ka fashilanto ta muddo kordhintu, taas oo ahayd mid uu u unkay si qarsoodi ah oo uu xil saaray koox ka mida nacamlayaashiisa, waxanu faray inay ka hawlgalaan sidii loo diiwaangelin lahaa dad tobanaan kun ah oo ka kooban guud ahaan Somaaliya, balse u badan dadka Gobolka Banaadir oo laga soo xulo  xulka taageerayaashiisa, taas oo Iyana loo  diyaariyey, loona dhammeystiray sida ay tibaaxayaan xogo laga helay dadka ka  ag-dhaw Madaxweyne Farmaajaha Muqdisho.

Labadaa qorshe siyaasadeed ee uu sii shaxeystay Framaajo , waxa Irmaan oodan geliyey shaxdiisii kowaad ee muddo kordhinta ee uu la dheelayey Madaxweynayaasha Maamul-goboleedyada ugu horreyntii Ra’iisal Wasaarihiisa oo si hoose ula socday qorshayaashiisa siyaasadeed ee aanu waxba kala socodsiin, isagoo Ra’iisal Wasaare Kheyrre dhawr toddobaad ka hor si kedis ah u shiriyey Golihiisa, kuna wargeliyey xubnaha Golaha Wasiirrada, inay lagama maarmaan tahay in doorashooyinku dalka ka qabsoomaan waqtigoodii, sidaa darteedna uu si cad ugu amray Wasiirrada inay muddada kooban ee ka hadhsan xilka Xukuumadda ku sii shaqeeyaan siyaasad ku dhisan, in wax kasta oo dib u dhac ku keeni kara qabsoomidda  doorashooyinka laga sii hawlgalo dhammeystirkooda, si loo galo taratan doorasho oo xor iy xalaala.

Tallaabadaa uu qaaday Ra’iisal Wasaarihiisu waxay Farmaajo ku noqotay af kala-qaad iyo argagax siyaasadeed oo kedis ah oo aan ugu jirin shaxdiisa, si haddaba aan loo fahmin in dhexdooda waa [ Farmaajo iyo Kheyrre’e] uu ka jiro khilaaf la xidhiidha xilliga qabashada doorashooyinka, ayuu Farmaajo is daad-raaciyey, isagoo toddobaadkii la soo dhaafay khudbaddiisii sannadlaha ahayd ee uu ka jeediyey  fadhi ay u dhan yihiin labada Gole oo ahayd tii ugu dembeysay muddo xilliyeedkiisa, ka hor caddeeyey xildhibaannada labada Gole in doorashooyinku ku qabsoomi doonaan waqtigoodii.

Haseyeeshee  taasi afka baarkiisa ayey ka ahayd Farmaajo, maadaama uu jiray heshiis hoose oo uu la galay Guddoomiyaha Golaha shacabka, kaas oo ahaa in fadhi dembe oo wada jira iskugu yimaadaan labada Gole, si hal fadhi ama laba ugaga tashadaan qabsoomidda doorashooyiunka, maadaama ay yar tahay nmuddada doorashada ka hadhay,  suurtagalna ahayn, in Gole walba gaarkiisa waqti badan ku lumiyo doodda dhexdooda, iyadoo heshiiska Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Somaaliya ahaa, in markay isku soo noqdaan labada Gole uu marka miiska soo dhigo Guddoomiyaha Golaha shacabku labada shaxood ee kala ah, in doorashada lagu galo qaab ah diiwaangelin ku saleysan hal cad iyo hal qof iyo in muddo kordhin loo sameeyo Dawladda ooi ah [ Golaha Xuluumadda iyo Labada Gole Qaran]

 

Isku soo wada xooriyoo waxa talo faro ka haaday markii la fahmay qorshahaas ee kadib uu Guddoomioyaha aqalka Sare ee Somaaliya ku gacan seydhay qabashada fadhi kale oo aan sharci ahayn oo ay ku kulmaan labada Gole, isla markiina uu soo saaray qoraal rasmiya oo uu ku caddeynayo, in Madaxda Maamul-goboleedyada dalka iyo dawladda Dhexe wada tashi ka yeeshaan qaabka qabsoomidda doorashooyinka, si loo helo wax heshiis ay ku wada yihiin saamileyda doorashooyinku oo ay ku jiraan  axsaabta siyaasadda oo iyagana la  siinayo doorkooda.

Qoraalkaa rasmiga ahaa ee kasoo baxay Guddida jooghtada ah ee Golaha Aqalka Sare ee Somaaliya, ayaa noqday midkii ugu dembeeyey ee fashiliyey labadii shaxood ee uu  kelidii jeebka ku sitay, waxana ugu sii darsamay labadii Xisbi mucaarid ee ugu awoodda badnaa ee ay kala hoggaaminayeen labadii Madaxweyne ee hore oo ku midoobay hal Xisbi oo Sheekh Shariif Guddoomiye u yahay, kuwaas oo Iyana ku dhawaaqay inay taageersan yihiin qoraalka uu soo saaray Guddoomiyaha aqalka Sare, isla markaana aanay oggoleyn in maalin loogu daro Farmaajo, sidaa si la mid ahna waxa Iyana u taageeray Madaxweynayaasha Maamul-goboleedyada Puntland, Jubaland, Hir-shabeelle, waxana la filayaa labada kale ee hadhsanina ay ayidaan Qoraalkaas.

Arrinta ugu dembeysay ee dhabarka ka sii jebisay Farmaajjo, una quus goysay waxa ay ahayd markay dalalka daneeya siyaasadda Somaaliya oo uu ugu horreeyo Mareykanku ay si cad ugu dhawaaqeeen, una gaadhsiiyeen Farmaajo, in aanay suurtagal ahayn in la qabto doorashooyin ay taladeeda ka maqan yihiin Madaxda ka wakiilka ah dadka ku nool Maamul-goboleedyada ka baxsan Muqdisho, waxayna arrimahan xidhiidhka ee muddada kooban ku dhacay innoo iftiiminayaan halka ay ku dembeysay siyaasaddii aragtida gaabneyd ee Farmaajo ee ku dhisneyd musalsalladii beenta ahaa ee uu fagaarayaasha Muqdisho ku jili jiray, fidinteedana u adeegsan jiray Warbaahinta qeybaheeda kala duwan oo uu u fidin jiray wax faro  guudkood ah, inta diiddana cabsi gelin iyo khaarjin ku fulin jiray.

WAA SANDULLE IN FARMAAJO AQBALO IN MAAMUL-GOBOLEEDYADA KA WADA TASHADAAN DOORASHOOYINKA, SIDOO KALENA FADEEXAD SIYAASADEED OO KALE AYEY KU NOQON DOONTAA HADDUU KA JOOGSAN WAAYO MOOSHINKA UU LACAGTA KU BIXINAYO EE UU DOONAYO IN XILKA GUDDOOMIYANIMADA LAGAGA QAADO  GUDDOOMIYAHA AQALKA SARE.[ LA SOCO QORMOOYIN KALE OO LA XIDHIIDHA XAALADDA QASAN EE KA TAAGAN MUQDISHO.] 

 

Leave a Reply