Xisbiga Waddani oo Ka Hadlay Mawqifkiisa Wadahadalada Somaliland Iyo Somalia ee Dalka Jabuuti

0
508

Hargeysa:  Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka hadlay mawqifkooda ku wajahan wadahadalada Somaliland iyo Somalia la filayo inuu ku dhexmaro dalka Djibouti.

Cabdirisaaq Khaliif ah oo ah Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga Waddani oo qaar ka mid ah Warbaahinta Somaliland goor dhaweyd Hargeysa kula hadlay markii ay kulan la yeesheen Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in xisbi ahaan ay aqbaleen Wadahadalada la filayo in Somaliland iyo Somalia ay ku dhexmaraan dalka Djibouti

C/risaaq Khaliif Axmed Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga WADDANI waxa uu sheegay in xisbiga Waddani uu horeba u aqbalay wadahadlaada Somaliland iyo Somalia, waxaanu intaasi ku daray in xisbi ahaan ay u arkaan in xukuumada Somaliland ay u igman tahay in wixii wadahadalo ah ee lala galayo Somalia ay iyadu u igmantahay.

 

Leave a Reply