“Dadkii ma Guryaha ayay ku xidhan yihiin, Ma wey ka baxeen, Ma Dhulka ayaa hoos ula Go’ay”Hooyo Kiin Maxamed Cabdillaahi

0
820

Hargeysa (Dawan) Waxaa  mihiim ah in taxadar taageero iyo daryeel gaar ahba  la siiyo hooyooyooyinka danyarta ah ee Muuska ka ganacsadda, si looga hortago saameynta dhaqaale ee ay ka dhaxleen xannuunka Covid-19 ee bulshadkii kala fogeeyay.

Saameynta dhaqaale ee xannuunka safmareenka ah ee Covid-19 uu ku yeelanayo bulshada danyarta ah dhexdeeda ayaa ah mid hada la dareemayo, maada dadkani intooda badan ay qabtaan shaqooyin yar yar oo ay ku maareeyaan noloshooda, kadib xayiraddaha la xidhiidha xannuunka safmareenka ah ee Covid-19.

Xannuunka Covid-19 ayaa waxaa uu yahay mid si aada ugu faafa goobaha saxmaddu ay ka jirto ee bulshada aadka ugu badan tahay, iyada oo qaab nololeedka dadku u ganacsanayaana uu yahay mid uu si fudud ugu faafi karo xannuunka Covid-19, sidaasi darteed xukuumadda Somaliland oo kaashaneysa bahwadaagta caafimaadka ayaa bilowday wakhtigii qofkii ugu horeeyay gudaha Somaliland laga helo xannuunka safmarka ah ee Covid-19 dadaalo lagu yareynayay faafitaanka xannuunka ee bulshada dhexdeeda.

Taasi oo keentay in dadka intooda badani ay ku nagaadan guryahooda, iyaga oo aan u soo dhaadhicin suuqa iyo goobaha wax lagu kala iibsado.

Iyada oo cabsida laga qabo in xannuunka Covid-19 uu ku faafo bulshada dhexdeeda ay tahay mid maalinba maalinta ka danbeysa sii xoogeysaneysa.

Hadaba Hooyo Kiin Maxamed Cabdillaahi waxaa ay ka mid tahay hooyooyinka Muuska ku iibiya magaalada gudaha magaalada Hargeysa, ee uu sida gaarka ah saameynta ugu yeeshay iyada iyo inta kale ee shaqadani qabataba.

Hooyo Kiin waxaa ay sheegtay in dadkii ka iibsan jiray Muuska imika ay noqdeen kuwa aan la arag, islamarkaana uu Kaaryoonka Muuska ahi u yaalo muddo shan maalmooda marka cid ka iibsata la waayana lagu daro qashinka dooxa lagu soo qubayo.

Hadaba Hooyo Kiin Maxamed Cabdillaahi  iyada oo ka hadleysa saameynta taban ee xannuunka Covid-19 uu ku yeeshay Hooyooyinka Muuska iibiya waxaa ay tidhi “Waxaan ahey hooyooyinka ka ganacsada Muuska, waxaanu nahay hooyooyin guryo ka soo shaqo tagey oo carruur yar yar ka masuula, halkii ninku masuul ka noqon lahaa, hooyo ayaa inta badan imika masuul ka ah, waxaa ay ka masuul tahay ubad yar yar oo ay u soo xoogsi tagtay waxay taagan tahay bannaanka, waxay taagan tahay bacadka, waxay qabtaa kuleyl, waxay qabta dhibaato, waana hooyo, hooyana waa loo diri jiray, imika hooyo cid ka damqaneysaa ma jirto, waxaa weeyi hooyooyinku waxaa ay iibinayaan waa waxaa ma doobaaday ee aad arkeysaan ee sidaasi noqday haday dowladayadu wax noo qabaneyso iyo hadii aanay noo qabanaheyn”

Hooyo Kiin waxaa ay fariin u dirtay xukuumadda Somaliland taasi oo ay kaga codsaneyso in baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan Hooyooyinka Muuska iibiya in hoos loo eego waxaaney tidhi “Xannuun Covid-19 la yidhaaho ayaa waddanka soo galay dadkii meel ay qabteen ma garaneyno dowladu hadii ay wax caawineyso hooyooyinka bacadka jooga ee ubadka yar yar korinaya ee qaar agooma yihiin, qaar rajooyin yihiin, qaar darxumeysan yihiin, wey arkayaan dowladayadu yaanay iska indhatirin, dowladu wixii ay qabaneyso hooyooyinka hawgu horeysiiso oo haw qabato, haday dhul na siineyso, haday meel na dejineyso, haday caawimo kale na tareyso, annagu hooyooyin bacad jooga oo dhibaateysan ayaanu nahay, Muus ayaanu keensana, iibina, bacadka la yuururnaa, markii hore waa nalaga iibsan jiray balse intii xannuunkani adduunyada saameeyay iib malaha waa wax la iibsadda ma jiro, shan shan cisho marka aanu heyno ee uu sidaasi u madoobaado dooxa ayaanu geynaa, bacadkaasi ayaanu lix ilaa lix fadhina waa hooyooyin ubad yar yar u soo shaqo tagey, dabeyl ayaa ku dhaceysa, cadceed ayaa ku dhaceysa, gaadhi ayaa eryanaya, xannuunkani waa wax jira oo warbaahinta ayaanu wacyigelinta kala socona, dadkii danyarta ahaa boqolkiiba sagaashan dhaqaalahoodii hoos ayuu u riday xannuunkani Covid-19, magaalada Hargyeysa ee aad arkeyso qof dhex maraya ma jiro, dadkii meel ay qabteenba garanmeysid, dadkii ma guryaha ayay  ku xidhan yihiin, miyay ka baxeen, ma dhulka ayaa hoos ula go’ay, magaaladii dadkii wax naga iibsan jiray ma heyno, marka dowladdu hoos ha noo eegto”

Sawirka mid ka mida Hooyooyinka Muuska iibiya ee gudaha magaalada Hargeysa ee saameynta dhaqaale ka dhaxlay xannuunka safmareenka ah ee Covid-19 /xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan

Leave a Reply