Somaliland : Diyaarado Ayaxa lagula Dagaalamayo oo Soo Gaadhay

0
631

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland  oo kaashanaysa Hay’adda Cuntada Aduunka se FAO waxa ay maanta munaasibad u qabatay diyaarado buufin doona Ayaxa dalka ku habsaday.

Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland mudane Axmed Muumin Seed, ayaa madaxweynaha Somaliland uga mahad celiyay imaanshiyaha labadani diyaaradood oo uu xusay in uu kaalin mihiima ka qaatay imaanshiyahooda.

Sidoo kale waxa uu wasiirku ciidamada amaanka ugu baaqay sidii ay u sugi lahaayeen abniga diyaaradahaasi maada ay joog hoose ku duulayaan.

Dhanka kale waxaa uu bulshada degan deegaanada laga buufin doono Ayaxa ugu baaqay in ay ka fogeeyaan carruurta iyo xoolaha.

Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland mudane Axmed Muumin Seed isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Marka u horeysa waxaa aan u mahad celinaya madaxweynaha Somaliland oo gacan weyn naga siiyay sidii ay diyaaradahani halkan u soo gaadhilahaayeen, waa diyaaradihii aanu kula dagaalameynay Ayaxa mudada badan na heystay, iyada oo marka hore aanu ku sii dagaalameynay gaadiid lix baabuura, oo hay’adda FAO iyo USAID naga caawiyeen.

Waxaa aanu isticmaaleyna garoomadda diyaaradaha ee Borama, Burco, Berbera, iyada oo aanu la kaashaneyno maareeyaha guud ee madaaradda Somaliland, bulshada waxaa aanu ugu baaqayna in meelaha ay diyaaraduhu buufinayaan oo aanu calaamado u yeeli doono ay ka fogaadaan, sida xoolaha, carruurta, waxaanu ka codsaneyna in ciidamada abniga ee Somaliland ay ilaaliyaan abniga guud maada ay joog hoose ku duulayaan diyaaradahaasi”

Sawirka diyaaradaha Ayaxa lagula dagaalamayo ee Somaliland soo gaadhay

Leave a Reply