Dareenka Shacabka Somaliland ee Wadahadallada Djibouti ka furmay

0
493

“Dhicis hadduu naga nool yahay, waanu ku dagaalamaynaa xornimadayada, ma aqbalayno wixii aanu lixdankii luminay in aanu mar kale ku celino Xamar”sidaasi waxa yidhi mid kamida Dadweynaha reer Somaliland ee ku dhaqan caasimada dalka oo la hadlay Telefishan.

Shacabka Somaliland, ayaa si weyn ugu dhegtaaya waxa lagaga hadlayo iyo natiijada Shirka Somaliland iyo Soomaaliya uga furmay Magaalada Jibuuti.

Dareenka dadweynaha ayaa aad u kacsan, waxaanad moodaa in qof waliba gaarkiisa uga showrayo arrimaha laga wada hadlayo, sababtoo ah wax faham ah lagama hayo ajandaha Shirka.

Warbaahinta Maxaliga ah, ayaa soo gudbinaya muuqaalo Ra’yiga dadweynaha oo cabiraya arragtida ay ka qabaan Shirka “Waxaanu ku kalsoonay in Madaxweynaha iyo weftigiisu guul kala soo noqdaan Shirkaas”ayuu yidhi Nin kale oo ka hadlay Telefishan.

Madasha Shirka waxa isha ku haya bulshada Soomaalida oo dhan, gaar ahaan Shucuubta labada dhinac ee ay madaxdoodu miiska wada-xaajoodka fadhido “Ma sahlana arrintu, waxaana laga wada hadlayaa arrimo adag”ayuu yidhi mid kamida dadka siyaasadda falanqeeyaa.

Shirkan oo ay goob-joog ka yihiin hogaamiyeyaasha Djibouti iyo Itoobiya, ayaa furmay xilli qadihii maanta wakhti ku beegan.

Inkasta oo aan si dhab ah loo ogayn ajandaha Shirka, haddana waxa la hadal hayaa in uu ku furmay jawi xaasaasi, lagana garnaqsanayo arrimo masiiri ah.

Qalabka Warbaahinta ayaa si weyn looga dareemayaa shucuurta Shacabka Somaliland.

Leave a Reply