Kulanka Wada Hadalka DJIBOUTI: Fallo Siyaasi Xuseen Dayr

0
585
????????????????????????????????????

Hargaysa (HP): Xilli ay sii kordhayaan caga-juglaynta iyo cadaawada ku wajahan jiritaanka qaranimada JSL, taasoo ujeedadoodu tahay in qalalaase iyo iska horkeen la geliyo Jamhuuriyadda Barakaysan ee Somaliland, shaki igagama jiro in Madaxweyne MUSE BIIXI CABDI ay ka go’an tahay difaaca Qaranimada, madaxbanaanida, masiirka iyo jiritaanka JSL.

Madaxweyne Muse Biixi iyo xukuumadiisu waxa ka go’an inay ka muuqdaan, ku gar-naqsadaan, goob joogna ka ahaadaan madal iyo meel kasta oo Qadiyadda Jam. Somaliland lagaga hadlayo ama ay dano dhaqaale iyo kuwo horumarineed ugu jiraan dadka iyo dalka Somaliland.

Siyaasadda Arrimaha Dibebadda ee waqtigan casriga ah waxa lagama maarmaan ah inaad la timaado feejignaan, diyaar garow iyo tabaabulshe diblomaasiyadeed oo aad kaga fal-celinayso arrimaha Siyaasadeed iyo dhacdooyinka ka socda mandaqada iyo caalamkaba.

Waa muhiim in Somaliland aanay dal ahaan marnaba ka maqnaanin gole iyo madal lagu gorfaynayo arrimo inaga ina khuseeya amaba ay dano kuugu jiri karaan. Dal ahaan, maaha in aynu marnaba ogolaano in ay cid kale inaga ina matasho ama ay afkeena ku hadasho. Fursadaha maanta ina dhaafaana ma aha kuwo berri dib inoo soo mari doona.

Madaxweyne Muse Bixi Cabdi waxan aaminsanahay inuu yahay hoggaamiye leh hadaf iyo hiigsi cad oo ay hagto yool iyo abbaar sugan taasoo ay saldhig u tahay ku dhac, dhiiranaan iyo ku qanacsanaan uu ku qanacsan yahay arrimaha saldhiga u ah hoggaamintiisa.

Waa hoggaamiye hal adag oo afkaartiisa iyo aragtidiisa gadh-wadeenimo aanay mar walba is bed-bedelin, culays kasta iyo carqalad kasta oo uu la kulmaba.

Kulanka wada hadalka Somaliland iyo Somaliya ee loo ballan sanyahay inuu ka dhaco dalka Djibouti, waa fursad qiima leh oo uu Madaxweyne Muse Bixi ku soo ban-dhigi karo fahamkiisa diblomaasiyadeed, khibrada, waayeelnimda iyo bislaanshaha siyaasadeed ee uu u leeyahay Siyaasadda mandaqada Geeska Afrika, taasoo uu kaga dir-soocmi (tilmaanaan) doono dhigiisa uu wada hadalku ka dhexeeyo ee ay miiska isa soo hor fadhiisan doonaan.

Shaki igagama jiro in Madaxweyne Muse Bixi uu ku gacan sarrayn doono madashaa iyada ah. Sidoo kale Madaxweyne Muse Bixi wuxuu si la yaab leh oo aan hore loo arag u soo ban-dhigi doonaa qadayidda muddo dhaafka ah iyo xaqa aaya-ka-tashiga ummadda Jamhuuriyadda Barakaysan ee Somaliland taasoo si weyn u soo jiidan doonta dhegaha iyo indhaha Beesha Caalamka.

Mudane Madaxweyne, adiga iyo weftiga aad hoggaaminaysaba waxaan idiin rajaynayaa GUUL. Waxaad haysataa kalsoonida iyo taageerada ummaddaada Somaliland.

HA NOOLAATO JAMHUURIYADDA SOMALILAND.

????????????????????????????????????

Eng./Siyaasi Xuseen Aadan Cige (Dayr).

Hargeisa/Somaliland.

Leave a Reply