Deg deg: Shirkii Somaliland iyo Soomaaliya oo natiijo la’aan lagu kala tegay

0
460

Hargeysa(GNA)-Wararka ka imanaya dalka Djibouti, ayaa sheegay in uu natiijo la’aan ku dhamaaday shirkii magaalada Jibouti uga furmay wufuuda ay kala hogaaminayaan Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya.

Shirkan oo ay martigelisay Dawladda Djibouti, kana qaybgaleen madax uu kamid yahay Reysal-wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed, ayaa ku bilaabmay jawi xaasaasi ah, waxaana khudbad garnaqsi ah ka jeediyey madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyada Somaliland Saleeban Maxamuud Aadan oo markii shirka laga soo dareeray khadka Telefoonka ugu waramay Telefishanka Horncable, ayaa sheegay in la isku fahmi waayey fulinta heshiisyadii hore ee ay labda dhinac galeen, taasoo ahayd shardiga ay dhinacooda ku xidheen bilowga wadahadallo hor leh.

Guddoomiye Saleeban Maxamuud Aadan waxa uu tilmaamay in dhinaca Soomaaliya ay ku adagtahay fulinta heshiisyadii hore oo fure u noqon kara in la sii ambo qaado wada-xaajoodka.

Geesta kale, waxa uu ku eeddeeyey Dawladda Maraykanka ee soo qaban qaabisay Shirka in ay garab siinayso Maamulka Soomaaliya ee uu hogaaminayo Farmaajo, sidoo kale waxa uu iftiimiyey in aan reysalwasaaraha Itoobiya iyo wakiillada kale ee shirka ka qaybgalay toona dhexdhexaad ka ahayn wadahadallada labada dhinac.

“Shirkii siyaasadda khuseeyey sidaas ayuu ku dhamaaday, waxna iskuma kaaya hadhin”ayuu raaciyey Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland.

Shirkan oo furmay duhurkii maanta ayaan la ogayn ajandihiisa, dadkuna ay aad ugu jahawareereen qodobada miiska la soo dhigay, waxaana xusid mudan in intii uu socday madaxweynaha Somaliland ka jeediyey khudbad xambaarsan qadiyada Somaliland iyo garnaqsi uu goob-joogeyaasha ugu cadeeyey mowqifka dalkiisa.

Leave a Reply