War-murtiyeed ka soo Baxay Wada Hadallada Somaliland iyo Soomaaliya

0
606

Jabuuti (Dawan)- War murtiyeed kooban ayaa ka soo baxay shir hal maalin ah oo ay Jabuuti ku yeesheen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo. Shirkan oo la dhegaystay khudbadaha labada dhinaca ayaa waxa ka muuqday is-mari waa, waxaana taas ka marag kacay war murtiyeedka soo baxay oo koobnaa.

War murtiyeedka oo uu ku saxeexan yahay Madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geele oo marti gelinayey shirka, isla markaana lagu socodsiinayo madaxda gobolka ee kala ah Raysalwasaaraha Itoobiya, madaxweynaha Somaliland iyo madaxweynaha Soomaliya waxa uu u qornaa sidan.

“Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaciil Cumar Geelle oo ay weheliyaan Raysal wasaaraha Itoobiya, madaxweynaha Somaliland iyo madaxweynaha Soomaliya ayaa Kulan bilow ah ku qabtay dalka Jabuuti 14 June, 2020, kulankaa waxa ujeedadiisu ahayd sidii looga shaqayn lahaa kulan dhex marka labada hogaamiye ee Somaliya iyo Somaliland, si ay u sii ambaqaadan wada hadalka xidhiidhka labadooda dal.

Labada hogaamiye waxay aqoonsadeen muhiimada doorka Jabuuti ee dhismaha nabada iyo nabad raadinta gobolka.

Shirkan ka hor waxa dhacay shirar labada dhinaca yeesheen, balse horumarkoodu yaraayeen, isla markaana aanay fulin waxyaabihii la gaadhay. Haatana labada madaxweyne waxay isla fahmeen in guddi farsamo oo labada dhinac ah loo saaro kuwaas oo sii ambaqaadaya wada hadalo ku saabsan sababta ay u fuli waayeen waxyaabaha lagu gaadhay shirarkaa hore.

Waxa kale oo labada dhinaca wada gaadheen in aan la siyaasadayn kaalmooyinka dhinaca horumarka iyo wixii maalgashi ah. Waxa kale xoog la saarayaa sidii ay wax walba xudun ugu noqon lahayd danta shacabka labada dhinac.

War murtiyeedka waxa lagu yidhi shirku wuxuu ku boorinayaa dhammaan urur goboleedyada, qaarada iyo ururada caalamiga ahba in ay taageeraan go’aamadan ay gaadheen labada dhinaca.

 

Xasan Xuseen/ Dawannews.com

Leave a Reply