Wadahadalladii Jamhuuriyadda Somaliland iyo Somalia oo ka furmay Jabuuti. (Muqaal)

0
934

Jabuuti-(Dawan)- Madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shaaciyey inay si rasmi ah u furmeen wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland ee Jabuuti ay marti-gelisay.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in dib u bilaabashada wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland ay tusaale fiican u yihiin Gobolka.

Madaxweyne Ismaaciil oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in wada hadalladani ay tusaale fiican u yihiin si waddida go’aanada hoggaamiyaasha Gobolka si loo xaliyo khilaafaadka iyadoo loo marayo wadahadal.

“”Dib u bilaabashada wada hadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland waa tusaale fiican oo ka tarjumaya sii wadida go’aanka hogaamiyaasha gobolka si loo xaliyo khilaafaadka iyada oo loo marayo wada hadal”. ayuu yidhi Madaxweyne Geelle.

Wada-hadallada ka dhacaya dalka Jabuuti ayaa waxaa soo agaasimay dawladda Maraykanka iyadoo ay gogosha dhigtay Jamhuuriyadda Jabuuti Waxaana ka qayb qaadanaya Saraakiil sare oo ka socda Midowga Yurub, iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya Dr Aby Axmed .

Weftiga Somaliland waxaa hogaaminaya Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay ku weheliyaan Gudoomiyaha Golaha Guurtidda, 4 Wasiir oo Xukuumadda ka tirsan iyo Ergayga Somaliland u qaabilsan wada hadalada labada dal.

Geesta kale waxaa weftiga Somalia hogaaminaya Madaxweynaha dawladda Somalia, oo ay weheliyaan Raysal wasaarihiisa, Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo xubno kale.
Faahfaahinta Warkan kala soco Wararkayaga danbe.

 

Halkan ka Daawo Muqaalka Furitaanka Shirka

Leave a Reply