Dhibta Gabadhayda , Google Ayaa Masuul Ka Ah

0
517

Shirkadda weyn ee teknolojiyada Google ayaa la kulantay cabashada heer heer caalami. Shirkadu waligeed xisaabta kuma darsan in macaamil xanaaqsan uu dacawad ku gudbiyo isagoo booliiska uga cabanay in Google uu khatar ku yahay in guurkiisa uu baabiiyo.

Nin lagu magacaabo Chandrasekhar oo da’diisu tahay 49 sano una dhashay dalka Hindiya ayaa dacawad cabasho ka ah ka gudbiyay Google Map. Ninkan ayaa sheegay in gabadhiisu ay isticmasho Application “your timeline” , isla markaana ay weydiiso mar kasta goobta aan ku suganahay.  Waxa kale oo uu cabasho ka muujiyay in mararka qaarkood meelo aanu xataa teginba uu Google map tilmaamayo inaan joogo, taasina ay gabadhiisa ku dhaliso shaki iyo cadho.

Waxa kale oo ninkani sheegay in gabadhiisu ay dhib ku hayso taasina ay sababi doonto in guurkoodii mudada badan soo jiray uu burburo. Iyadoo sababtana ay yeelan doonto shirkadda Google. Mr. Chandrasekhar ayaa sheegay in gabadhiisu ay dad badan la hadleen laakiin aanay rumaysan isla markaana ay weli wado hawsheeda dabagalka.  Laakiin shirkadda googol ayaan weli muujin sida ay u aqbali doonto cabashadan ninka.

R Chandrasekaran, waxa uu degan yahay Lal Bahadur Nagar ee Mayiladuthurai ee dalka Indiya.

Waraaqda ay heshay CNN-News18 ayaa muujinaysa, barnaamijka Google map uu sheegayo bishi 20, goobo aanu ninkani booqan, taasina ay tahay arrimaha cabashada uu ninkan ka gudbiyay. Arintaasi ayaa shaki badan iyo jahwareer ka dhex aloostay qoysk. (News18.com)

 

 

Leave a Reply