Dhalinta Aan Guursan Oo La Ciqaabayo!

0
483

Dood adag ayay abuurtay khudbad uu jeediyay wadaad diimeed muxaafid ahi dalka Iran . Wadaadka oo lagu magacaabo Maxamed Idriis ayaa soo jeediyay in raga da’doodu gaadhay 28 sano ee aan guursan lagu soo rogo cashuur ilaa inta ay guursnayaan. Sida lagu daabacay wargeyska Skynews oo soo xiganayay Radio Faaradda ee dalka Iran ayaa sheegay in arintani ay ka dhalisay cadho weyn baraha bulshada.

Waxaana la sheegay in wadaaadku warqad uu qoray loo gudbiyay barlamanka dalkaasi taasi oo uu ku sheegay in guurku ku yahay waajib qofka awooda ee aan guursan la ciqaabo.

Madaxda Iran ayaa dhalinyarada dalkaasi ku dhiirgeliya guurka iyo dhalmada, inkasta oo ariimo dhaqaale oo xoogan ay gedaaman yihiin dhalinyarada dalkaasi.

Waxa kale oo uu soo jeediyay Sh.Maxamed Idiriis in dhalintan da’dan gaadhay ee aan guursan loo dhiibin xilalka sare ee dawladda, ama inay macalimiin ka noqdaan Jaamacadaha dalka.  Wasiirka Arrimaha gudaha Iran Cabdi Rida Raxmaan ayaa isna sheegay in inkasta oo aad loo dhiirgeliyay guurka iyo dhalamada haddana qiyaasaha la sameeyay ay muujinayaan in aa heerka dhalmada ee dalka Iran aanu isbedel weyni ka muuqan.

Leave a Reply