Ururka SOLJA Oo Soo Dhaweeyay Guusha Somaliland Ka Gaadhay Shirka Jabuuti

0
431

Hargaysa (Dawan): Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa soo dhaweeyay guusha siyaasadeed ee weftiga uu hogaaminayo madaxweyne Biixi, ka soo hooyeen shirkii dalka Jabuuti ku dhex maray Somaliland iyo Soomaaliya.

SOLJA wuxuu u arkaa guusha ay weftiga Somaliland ka gaadheen shirkaasi in uu yahay mid ay madaxda Somaliland muujiyeen diyaar garow siyaasadeed iyo qorshe cad oo ay madaxdii dawladaha kale ugu soo bandhigeen qadiyadoodda.

Sidaasina waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray ururka SOLJA oo nuqul ka mida uu soo gadhay wargeyska DAWAN, oo uu ku saxeexan yahay guddoomiyaha ururkaasi Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto).

Sidoo kale guddoomiyaha SOLJA waxa uu ku bogaadiyay warbaahinta Somaliland u baahiyeen ama u gudbiyeen wararkii shirkaasi ku saabsanaa.

Geesta kale war-saxaafadeedka SOLJA ayaa qaybaha kala duwan ee warbaahinta dalka ka hawl gasha waxa uu ugu baaqay in ay weriyeyaashu ka fogaadaan wararka khaldan iyo dacaayadaha wiiqi kara natiijadda shirkii Jabuuti.

War-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

 

Leave a Reply