“Waxaan ugu baaqayaa shacbiga Somaliland waa in la sameeyo banana-baxyo lagu taageerayo madaxweynaha iyo”…

0
444

Burco (Dawan): Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), ayaa ugu baaqay guud ahaanba shacabka reer Somaliland in ay sameeyaan banaan-baxyo lagu taageerayo guusha ay Somaliland ka gadhay shirkii Jabuuti ka dhacay iyo sidoo kale khudbadii uu madaxweyne Biixi ka jeediyay shirkaasi.

Waxaanu xildhibaanku soo dhaweeyay khudbadii uu madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ka jeediyay shirka Jabuuti oo uu ku tilmaamay mid uu madaxdii shirka joogtay kula gar-naqsaday.

Xildhibaan Bidhi, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Burco ayaa xusay in madaxweyne Biixi aan marnaba looga cabsansaynin in uu ka leexdo qadiyadda qaranimadda Somaliland, isla markaana uu u soo halgamay xoriyadii dib u la soo noqoshadda Somaliland.

Baaqa isu-soo baxyadda lagu taageerayo guusha ay Somaliland ka gaadhay shirkii Jabuuti ayuu xildhibaan Bidhi, tilmaamay in ay muhiim tahay in si gaara looga dhigo gobolka Togdheer.

Maadaama oo madax banaanidda jamhuuriyadda Somaliland magaaladda Burco lagaga dhawaaqay 18-kii bishii May ee sanadkii 19991-kii.

Daawo: Xildhibaan Bidhi Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply