“Dadweynaha Sool waxaan u sheegayaa ninkii doonaya in uu Puntland taageero ha aado”…

0
432

Laascaanood (Dawan): Guddoomiyaha gobolka Sool ayaa si adag ugu digay faro-gelin ay gobolka Sool ka wadaan siyaasiyiin iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland iyo hadalo ka soo yeedhay madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Hadalka madaxweynaha Puntland ayaa la xidhiidhay cadho ay ka qaadeen in laga reebay wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ku dhexmaray dalka Jabuuti.

Iyadoo Puntland ku doodaysa in ay Somaliland dhul iyo deegaamo isku haystaan sidaas darteedna ay mudnaayeen in shirka laga qayb geliyo.

Hase yeeshee badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa ku tilmaamay sheegashadda madaxweynaha Puntland ee ah in ay Somaliland deegaamo isku haystaan aanay waxba ka jirin, isla markaana aanay jirin dhul ay isku haystaan Somaliland iyo Puntland.

Waxaanu sheegay in ilaa xiligii gumaystaha gobolka Sool iyo dadkiisuba ay ka tirsanaayeen Somaliland, halka Puntland iyo deegaamadeedu ay ahaayeen dhulkii uu haystay gumaystihii Talyaaniga.

Isagoo ka jawaabayay hadalka Puntland, waxa uu yidhi, “Dadweynaha Sool ku nool, dhamaantood waa reer Somaliland. Siyaasad aan ta Somaliland ahayn, ama u jeeddo kaloo aan ta Somaliland ahayna gobolkan kama shaqayn karto.

Waxaan arkayay qoladan Puntland ee aynu deriska nahay, oo ka xanaaqday shirkii Jabuuti ku dhexmaray jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Soomaaliya”.

“Waxaan leeyahay Denni, (madaxweynaha Puntland) oo shalay hadlay oo lahaa dhul baan isku haysanaa Somaliland. Dhul aan isku haysano Puntland ma jirto, xad inaga dhexeeyaana ma jiro. Taako Majeerteen leeyahay oo Dhulbahante leeyahay, oo Majeerteen leeyahayna ma jiro.

Marka hore-ba isku taariikh ma nihin Puntland,  dhaqan-na ma wadaagno, balse dhalasho ayuun baan wadaagna.

Meesha Bixin la yidhaahdo ee Yoocadda ku taalla, waxay ka tirsan tahay gobolka Sool. Markaa haddii aynu Puntland dhul wadagno, Yoocadu Sool kumay taaleen” ayuu yidhi C/qani Jiidhe.

Guddoomiye Jiidhe, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay kulan ay maanta isugu yimaadeen mamulka gobolka Sool, ka degmadda Laascaanood, masuuliyiinta laamaha dawladda Sool iyo madax dhaqameed.

Kulankaasi oo u jeedadiisu ahayd mid ay taageerro ugu muujinayeen khudbadii uu shirkii Jabuuti ku dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya ka jeediyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Geesta kale badhasaabka Sool waxa uu carabka ku adkeeyay dooda madaxweynaha Puntland oo uu sheegay in shirka Jabuuti ka dhacay uu Puntland metelayay madaxweyne Farmaajo, isla markaana Puntland ay ka tirsan tahay maamul goboleedyadda Soomaaliya ee uu madaxweynaha u yahay Farmaajo.

Waxaanu yidhi,  “Puntland laba dal ayaynu kala nahay, idinku Soomaaliya ayaad ka tirsan tihiin, madaxweynihiinii ayaa meesha marayay, isaga ayaana idin metelayay, isaga ayaana idiin hadlayay. Anaga-na (Somaliland), madaxweynahayagii ayaa shirka nagu metelayay, oo noo joogay”.

Dhinaca kale C/qani Jiidhe, waxa uu ka digay in ay joojiyaan faro-gelin uu sheegay in maamulka Puntland uu ka wado bulshadda gobolka Sool.

Sidoo kale badhasaabka ayaa fariin adag u diray dadka isku daya in ay iyagoo Sool ama Laascaanood joogay ay ka hadlaan arrimo la xidhiidha Puntland ama Soomaaliya.

Waxaanu yidhi, “Waxaan arkayay dad Buuhoodle laga abaabulay, oo la yidhi mudaharaadda. Waxaanan leeyahay dadkani dhibaato uma baahna. In badan ayay dhibaato ku soo jireen,

Waxaan arkayay odayaal guri hoostii joogay, oo qolo wasiirro ka ah Puntland ay lacag u soo direen, oo ay leeyihiin hadla. Dadka dhibaatadda ka daaya ayaan leeyahay. Fariintaas ayaan u dirayaa, waxaanan leeyahay faro gelinta naga daaya”.

Waxaanu intas raaciyay, “Dadweynaha reer Sool-na mid baan u sheegayaa, ninkii doonaya in uu Puntland taageero, ha aado iyada. Laascaanood dhexdeedda kama ogolaanayno, in qof siyaasad kale wataa uu ka hadlo.

Cidii arrintaa ka hadashay sharciga ayay waajahaysaa, cidii dastuurka Somaliland ka soo hor jeedda ee deegaamadan joogtaa, sharciga ayay waafaqayaan.

Kama ogolaan doono, faro-gelin shisheeye ama cid kale wado, in ay halkan ka dhacdo. Faro-gelin siyaasado kale ku lug leeyihiin, oo dadka kale oo aan deegaankeena ahayn loogu danaynayo, ma ogolaanayno”ayuu yidhi badhasaabka Sool.

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply