Ex-wasiir Maxamed Biixi oo farta ku fiiqay khariidadda diblomaasiyaddeed ee Somaliland ku xariiqday Shirka Djibouti

0
524

Nairobi(Dawan)-Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Jamhuuriyada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sharaxaad ka bixiyey guulaha caalamiga ah ee dalku ka dhaxlay Shirka ka dhacay Magaalada Jibouti ee caasimada Jamhuuriyada Djibouti, kaasoo galay maalintii saddexaad oo ay foolka fool isu horfadhiyaan ergooyin ka kala socda Somaliland iyo Soomaaliya.
Maxamed Biixi Yoonis, oo sababo dhanka socdaalka uga baaqday in uu kamid noqdo weftiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ee ka qaybgalay shirka wadahadallada, ayaa waraysi dheer oo uu caawa siiyey Telefishanka Horncable, kaga waramay khariidada diblomaasiyadeed ee ay Somaliland ku calaamadisay kulanka ay dawladda Djibouti marti-gelisay, maraykankuna soo qaban qaabiyey.
Khabiirka diblomaasiyadeed ee rubuc-qarniga la shaqaynayey Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa laamaheeda kala duwan, waxa uu waraysigan ku sheegay in doodda ay Somaliland ku soo bandhigtay madasha shirku daaha ka rogtay xaqiiqooyin qarsoonaa iyo kuwo banaanka yaallay oo aanay dad badan oo madasha ku sugnaa xogogaal u ahayn.
Md. Biixi waxa uu tilmaamay in natiijada ugu dambeysa ee wadahadallada furmay laga filayaa ay tahay in Soomaaliya ay aqoonsato Somaliland, haddii ay taas aqbali waydana la qaadi doono talaabo kale oo ay ictiraaf kaga heli karto caalamka, waxaanu dhinaca kale sawir ka bixiyey farqiga u dhexeeya shirkan iyo kulamadii hore u dhex maray labada Dal xilligii xukuumaddii Siilaanyo.
“Waxaan u arkaa shir dhab ahaantii guul weyn u soo hooyey shacbiga Somaliland, khudbada madaxweynuhu shirka ka akhriyeyna in ay ahayd khudbad taariikhi ah oo iftiimisay wadciga Somaliland hadda ku jirto, wixii ina soo maray iyo wixii inagu dhacay markii aynu Soomaaliya israacnay. waxa ay ahayd khudbad wax badan oo aanay ogayn u iftiimisay wufuudii caalamka ee shirka ka qaybgalay.
waxaan qabnaa in aan qadiyadeenii iyo wixii aynu tabanaynayba si fiican u dhiibnay, dadkuna aad ayey ugu dhegtaagayeen, dadkii ajanabiga ahaa ee ila soo xidhiidhayna waxa ay muujiyeen in aanay waxba kala socon wixii wadanka ka dhacay oo way ku baraarugeen”
Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sii ydhi “Wakhtigii aan wasiirka khaarajiga ahaa ee aan hogaaminayey wadahadalladan nasiib umaanu helin in aanu helno fagaaraha maanta ay weftigani heleen oo ah mid beeshii caalamka oo dhami fadhido, dawladdihii adduunka ugu xoogga weynaa oo Maraykanku kamid yahay, Midowga Yurub kamid yahay, Midowga Afrika ku jiro oo IGAD kamid tahay.
Annaga kulamadaydii waxa ay u badnaayeen kuwo aanu wada yeellan jirnay annaga iyo Soomaaliya oo aan idin nagu dhex jirin, laakiinse qoladani waxay nasiib u hesho in fagaare caalami ah oo dunidu markhaati ka tahay lagu wadahadlo.
Waana markii ugu horaysay soddonkaa sannadood oo ay Somaliland yo Soomaaliya ku wada hadlaan fagaarahan oo kale, iyadoo loo wada fadhiyo laba madaxweyne oo siman, markhaatina ay ka yihiin madaxweyneyaal iyo dad kale oo madax ah”.
Maxamed Biixi Yoonis oo la waraystay isagoo ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada Waddanka Kenya, waxa uu faahfaahin ka bixiyey qodobada ay ka wada hadleen guddiyada farsamo ee ay labada madaxweyne magacaabeen iyo madaxda dhexdhexaadinayey.
Waxaanu yidhi “horta waxa nasiib wanaaga, guddiyada farsamo ee wada fadhiya wajiga labaad ee shirka waxa dhex joogga oo dhexdhexaadinaya Wasiirka arrimaha dibada ee Djibouti, weftiyadii ka socday Maraykanka iyo midowga Yurub, markaa dee markhaatiyaalbaa joogga.
Waxyaabaha ugu waaweyn ee laga hadlay waxa saldhig u ahaa heshiisyadii hore loo galay ee ay kamid ahaayeen in aan la siyaasaddeyn arrimaha dhaqaalaha, arrimaha maamulka Hawada, in la joojiyo eeddeymaha iyo sidii loo qaybsan lahaa wixii dhaqaale ah ee aynu wada leenahay in la fuliyo ayaa laga wada hadlay”
Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, waxa uu iftiimiyey in midho-dhalka geedi-socodka wadahadalladu noqon karo in Dawladda Muqdisho aqoonsato Somaliland iyo haddii taasi iman waydo dariiqyada u furan.
“Somaliland siyaabo badan ayaa u furan oo ay kaga go’i karto Soomaaliya, hase yeeshee waxa ka go’an iminka in ay tix-geliso aragtida beesha caalamka ee ah in la wadahadlo, wax badana way dhisatay oo u sahlaya in ay madaxbanaanideeda xaqiijiso”
“markaa haddii ay Soomaaliya aakhirka diiddo in ay aqbasho gooni-isu-taaga Somaliland waxa imanaysa in la maro dariiqii loo maray wadamo kale oo badan oo ay kamid tahay koonfurta Suudaan, taasoo ah in afti laga qaado shacbiga Jamhuuriyada Somaliland, haddii taa la gaadhi waayana Somaliland waxa u banaan dariiqyo kale oo ay ku socon karto”ayuu yidhi Dr. Biixi.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad garnaqsi iyo awaalo war ah ka jeediyey madasha shirkaasi, waxaanay khudbadiisu wax badan ka bedeshay arragtida hogaamiyeyaal ku sugnaa shirka iyo kuwo dibada kala socday.