Djibouti: Maxa ka soo kordhay Shirkii wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya?

0
386

Shirka Wadahadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ee ka socday dalka Djibouti, ayaa laysku mari waayey, kuna kala kaceen ergooyinka guddida farsamo ee labada dhinac.

Wasiirka Wasaaradda Xanaannada Xoolaha Somaliland Siciid Sulub Maxamed oo kamida ergada Somaliland  wadahadallada uga qaybgalay, ayaa sheegay in kulankii labada casho socday uu natiijo la’aan ku dhamaaday.

Waxa uu sheegay in laysku mari waayey qodobo ku saabsan qaybsiga mucaawimooyinka caalamka iyo arrinta isu-socodka siyaasiga ah ee labada dhinac oo ay qolada Soomaaliya miiska soo dhigeen.

“waxay diiddan yihiin in mucaawimooyinka si kala madaxbanaan loo qaybsado oo way siyaasaddeynayaan, waxaanay doonayaan in aanu kaga iibsano qadiyada madaxbanaanida, waxa kale oo ay soo dhigeen in siyaasiyiintu isu socon karto, aniguna waanu diidnay”ayuu yidhi Siciid Sulub oo Taleefoon ugu waramay Telefishanka Bulsho.

Wasiirka ayaa intaasi in aanay dhankooda waxba ugu baaqi ahayn madasha shirka ilaa ay Soomaaliya wax ka bedelayso mowqifkeeda, “waxaanu ka war sugaynaa guddidii dawladda marti-gelisay shirka, balse wax noogu hadhay ma jiro”ayuu raaciyey.

Shirka guddiyada farsamo oo socday laba maalmood, ayaa la filayey in maanta go’aamo laga soo saaro, hase yeeshee waxa ilaa xalay kulanka hadheeyey qorsheyaal ay Dawladda Xamar ka daba keentay arrimihii ay hore miiska u soo dhigtay, kuwaasoo u muuqda wax lagu carqaladaynayo wadahadallada.

Leave a Reply