Shirkii Jabuuti Uga Socday Somaliland iyo Soomaaliya Oo Lagu Kala Kacay

0
367

Jabuuti (Dawan): Shirkii magaaladda Jabuuti uga socday guddiyadii farsamo ee Somaliland iyo Soomaaliya ayaa la sheegay in uu ku soo dhamaaday natiijo la’aan oo lagu kala kacay.

Sida uu shaciyay wasiirka wasaaradda xanaanadda xoolaha iyo kalluumaysiga ee Somaliland Siciid Sulub Maxamed, oo caawa u waramay Bulsho TV, isagoo ku sugan Jabuuti, isla markaana ka mid ah guddiga farsamo ee dhinaca Somaliland.

Wadahadaladda u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya ayaa Sabtidii todobaadkan ka furmay xarunta madaxtooyadda Jabuut, iyadoo kadibna guddiyo farsamo oo labadda dhinac ah oo loo saaray sii wadista wadahadaladda uu muddo laba maalmood ah shirku u socday.

Hase yeeshee shirkaasi guddiga farsamo ayaa caawa fiidkii lagu kala kacay, kadib markii waxba la isku afgaran waayay, kadib markii ay guddiga dhinaca dawladda Soomaaliya ka socday miiska soo dhigeen qodobo u cuntami waayay dhinaca Somaliland.

qodobadda ay Somaliland diiday waxaa ka mid ah in caawimooyinka beesha caalamka ee Soomaaliya la siiyo in ay kaga iibsato Somaliland qaranimadeedda.

Sidoo kale waxaa ka mid ahaa in Somaliland ay ogolaato barnaamijka is-dhexgalka bulshadda gaara ahaana in dadka reer Somaliland ee Xamar taga aanay Somaliland xidhin.

Halkan Ka Dhegayso Waraysiga Wasiir Siciid Sulub:

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply