Jabuuti Oo Cadaysay Mawqifkeedda Shirka Dhex-dhexaadinta Somaliland iyo Soomaaliya

0
377

Jabuuti (Dawan): Dawladda jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa sheegtay inay qaddarinayso madaxbannaanida dalalka Somaliland iyo Soomaaliya.

Sidaa darteedna ay u go’aansatay inay wadahadal u qabato Somaliland iyo Soomaaliya, maadaama ay Jabuuti tahay dadka Soomaali ah oo fahmi kara xuddunta khilaafka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, oo hadal ka jeediyey madashii ay caawa Somaliland iyo Soomaaliya ku kala saxeexdeen qodobbada laga soo saaray shirkii afarta maalmood Jabuuti ka socday.

Maxamuud Cali Yuusuf, waxa kaloo uu sheegay Jabuuti ay ku dedaalayso sidii ay uga midho dhalin lahayd  gaadhista u jeedooyinka iyo waxyaabaha ka dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Iyadoo ay mar walba Jabuuti tixgelinayso madaxbannaanida labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Daawo: Khudbadii Wasiirka Arrimaha dibadda Jabuuti:

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply