Jabuuti: Wasiir Arrimaha Dibadda Somaliland Oo Sharaxay Qodobadii Lagu Heshiiyay

0
396

Jabuuti (Dawan): Wadahadalo muddo afar maalmood ah dalka Jabuuti uga socday jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya ayaa caawa la soo gabagabeeyay, iyadoo go’aamana laga soo saaray.

Shirkaasi oo la filayay in uu maanta gelinkii danbe soo xidhmo ayaa lagu kala kacay markii la gaadhay gebagebadii. Sida ay sheegeen xubno ka mida weftiga Somaliland oo warbaahinta la hadlay.

Kadib markii weftiga dhinaca Somaliland ka socday ay ka biyo diideen qodobo dhawr ah oo ay wateen weftiga ka socday dawladda federaalka Soomaaliya.

Hase yeeshee wasiirka arrimaha dibadda jamhuuriyadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, oo hagayay dhex-dhexaadinta labadda dhinac ayaa waa-waan ka galay sidii mar kale isla caawa dib la isugu soo celin lahaa labadda dhinac.

Si go’aamo ama wax la taaban karro looga soo saaro shirka, isla markaana aanu u noqon mid guul darro ku soo dhamaadda. Iyadoo mar kale ay dib u wada fadhiisteen ergooyinka labadda dhinac.

waxaana goor danbe oo isla caawa ahayd hadana la shaaciyay in heshiis laga gaadhay qodobadii markii hore lagu kala kacay, isla markaana laga soo saaray go’aamo la sheegay in la isla qaatay.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (faratoon), oo hogaaminayay guddiga dhinaca somaliland oo ka warbixiyay qodobadii la isla qaatay.

Waxaanu sheegay in qaybtii hore ee shirkaasi xooga lagu saarayay sidii ay u dhalan lahayd kalsooni, isla markaana looga gudbi lahaa kalsoonidii dhimatay iyo is faham la’aantii jirtay.

Maadaama oo wadahadalo iyo shirar dhawr jeer hore u dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya aanay waxba ka fulin qodobadii lagu heshiiyay, taasoo sababtay kalsooni darro iyo in marar badan wadahadaladu ay hakad galaan.

Wasiir Faratoon, ayaa shirkaasi Jabuuti ka dhacay ku tilmaamay mid aad loogu baahnaa,  tallaabo horumar ah lagaga gaadhay sidii Somaliland iyo Soomaaliya arrimaha dhexyaala uga wadahadli lahaayeen.

Geesta kale   wasiir Faratoon, waxa uu rejo ka muujiyay in shirkan caawa ku soo dhamaaday Jabuuti uu ka duwanaan doono kuwii hore, isla markaana ay meesha uga bixi lahayd is aaminaad la’antii jirtay.

Daawo: Wasiir Faratoon Oo Arrimahaasi iyo qodobo kale Ka Hadlaya:

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply