Wasaaradda caafimaadka Somaliland oo agab caafimaad kala wareegtay hay’adda World Vision

0
460

Hargeysa-(Dawan)-Wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa agab caafimaad oo lagaga hortagaayo xannuunka Coronavirus kala wareegtay hay’adda World Vision.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo wareejinta deeqdaas caafimaad ka hadlay ayaa sheegay in deeqdaasi qayb ka tahay deeqaha Somaliland ka soo gaadhay wadamada caalamka, waxaanu intaas ku diray in dhawaan ay filayaan in deeqo kale ay soo gaadhaan.

Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi ayaa sheegay in deeqdan ay ugu talo galeen in la gaadhsiiyo goobaha waxbarashada iyo xarumaha lagu daweeyo xannuunka TB-da, kuwaas oo ay ku jiraan dad u nugul xannuunka Coronavirus, waxaanu u mahadceliyay hay’adda World vision oo deeqdaas caafimaad soo gaadhsiisay.

Ugu dambayntii wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi ayaa deeqdaasi si rami ah ugu wareejiyay wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), wasiirkuna waxa uu sheegay in agabkaas wasaaradda waxbarashadu u isticmaali doonto sida ugu haboon, waxanu intaas ku daray in agabkaasi wasaaradda uu ka caawin doono ilaalinta caafimaadka ardayda xiliyad imtixaanada lagu jiro.

Leave a Reply