Wasaaradda Beeraha Somaliland Oo Ayax Buufin Ka Fulisay Gobolka Awdal

0
470

Baki (Dawan): Wasaaradda beeraha Somaliland aya maanta hawlo Ayax buufin ah ka fulisay deegaamo ka tirsan gobolka Awdal oo si xun u aafeeyay Ayax beryahanba goboladda dalka ku habsaday.

Buufinta Ayaxa ee ay wasaaradda beeruhu ka fulisay gobolka Awdal ayaa noqonaysa wejigii koowaad ee la dagaalanka Ayaxa, taasoo qayb ka ah xakamaynta Ayaxan dilaacay.

Deegaamadda Ayax buufinta laga sameeyay waxaa ka mida Xeego, Ruqi, Baki, iyo Cadaad, kuwaasoo dhamaantoodba ka tirsan gobolka Awdal.

Waxaana loo adeegsanayay Ayax buufintani gawaadhi ay ku rakiban yihiin  qalab ama Haamo ay ku jiraan suntan lagula dagaalamo Ayaxa, taasoo ay wasaaradda beeruhu hore u sheegtay in aanay wax dhibaato ah gaadhsiinaynin dadka, duunyadda, deegaanka iyo noolaha kale toona.

Hawl-galkan Ayaxa lagu buufinayay  waxaa hogaaminayay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda beeraha Somaliland  oo ay ka mid ahayd isu-duwaha wasaaradda beeraha ee gobolka Awdal Nimco Maxamed Daahir.

Agaasimaha waaxda la dagaalanka Ayaxa ee wasaaradda beeraha Somaliland Mukhtaar C/raxmaan Cilmi, iyo masuuliyiin kaloo ka tirsan waaxda la dagaalanka Ayaxa ee wasaaradda beeraha.

Kooxdan ka shaqaynaysa hawl-galkan xakamaynta Ayaxa ayaa hore uga soo shaqeeyay deegaamadda gobolka Maroodijeex, gobolka Awdal ayaana noqonayo kii labaad.

Iyadoo muhiimadda la siinayo meelaha dhul beereedka ah ee uu Ayaxu ku habsaday, si loo bad-baadiyo Dalagyadda laga beertay.

Sida uu sheegay agaasimaha waaxda xakamaynta Ayaxa ee wasaaradda beeraha Mukhtaar C/raxmaan Cilmi,“Kooxdani waa gobolkii labaad ee ay ka soo shaqeeyeen. Markii hore deegaamadda gobolka Maroodijeex ayaanu ka bilawnay, hawl-galka xakamaynta Ayaxa.

Taasoo u jeedadiisu ahayd marka hore, maadaama oo Ayaxu aad u fara badan yahay, baaxadda dhulka uu ku habsadayna u weyn tahay, in aanu yool ka dhigano ama muhiimadda siino, meelaha dhul beereedka ee Dalagyadda laga beeray, si Dalagga loo bad-baadiyo” ayuu yidhi Mukhtaar Cilmi.

Geesta kale Ayax buufinta oo loo isticmaalayay baabuur waxaa ku xigi doonta mid ay samaynayaan diyaarado ka mida nooca qumaatiga u kaca oo dhawaan ay hay’adda FOA ku soo caawisay Somaliland si ay uga qaataan la dagaalanka Ayaxa.

Maadaama oo ay jiraan dhul burro ah oo Ayaxu ku habsaday oo aanay gaadhi Karin baabuurtu, sida ay sheegtay isu-duwaha wasaaradda beeraha ee Awdal, Nimco Maxamed Daahir.

“Ayaxa deegaamadan ka jiraa aad buu u fara badan yahay. Ayax buufintani waa wejigii koowaad, waxaanay shaqadu soconaysaa ilaa maata (shalay), waxaa laga bilaabaya lix goobood, kooxaha ayaana u kala baxay. Waxaanu ku soo xidhmi doonaa Ruqi.

Waxa kaloo soo socda oo gawadhidan cawin doona, kooxihii diyaaradaha oo ka qayb qaadan doona Ayax buufinta. Maadaama oo ay jiraan dhul aanay gaadhi Karin baabuurtu, oo buuraley ah”.

Nicmo Maxamed Daahir, ayaa ugu baaqday bulshadda ku nool deegaamadda ay diyaaraduhu ka buufin doonaan Ayaxa in ay a fogaadaan.

Waxanay tidhi, “Bulshada-na waxaan faraynaa, in ay ka fogadaan dhulka buuraleyda ah ee laga buufin doono Ayaxa. Wixii kale ee wacyigelin ahna waxaa kala shaqayn doonta wasaaradda, inta aanu joogno”.

Dhinaca kale qorshaha Ayax buufinta deegaamadda gobolka Awdal ayaa markii hore ahayd in muddo shan maalmood ah laga fuliyo, hase yeeshee baaxadda dhulka uu Ayaxu ku habsaday iyo tiro badnaantiisa awgeed ayaa wasaaradu waxay ugu dartay shan maalmood oo kale in la sii wado hawl-gadalan lagula dagaalamayo Ayaxa.

Baaxadda dhulka Ayax buufinta laga sameeyay ee deegaamadda gobolka Awdal ayaa dhan 670 higter, dhulkaasi oo uu ku degay Ayax noocyo kala duwan  isugu jira.  Mid marxaladii shanaad taagan, nooc duulaya oo Qalkii iska saaray,mid weli  Koronkorro ah.

Sida ay sheegeen masuuliyiinta waaxda la dagaalanka Ayaxa ee wasaaradda beeraha Somaliland oo ka warbixinayay noocyadda Ayaxa ay ka buufiyeen deegaamadda gobolka Awdal.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply