Daawo: Warbixin Ku Saabsan Horumarka Ka Tisqaaday Laascaanood

0
1070

Laascaanood (Dawan): Magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sanadihii u danbeeyay waxay ku talabsatay horumar aad u weyn oo muudqa oo  dhinacyo kala duwan leh.

Inkastoo sanadahan danbe ay wax badani iska bedeleen xaaladihii hore ee guud ahaanba deegaamadda  gobolka Sool, hadana waxaa si weyn uu horumarku uga muuqdaa magaaladda  Laascaanood.

Horumarka ay Laascaanood ku talaabsatay oo dhinacyo kala duwan leh, kuwaasoo ay intoodda badan dawladda Somaliland ka hirgelisay, halka qaarna ay hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ka hirgeliyeen.

Waxaana ka mida dhinaca amaanka, dhismaha xarumaha dawladda, caafimaadka, waxbarashadda, biyaha iyo adeegyadda qaybaha kala duwan ee nolosha bulshadda aasaasiga ah u ah.

Sidoo kale horumarka Laascaanood ka tisqaaday ee dawladda Somaliland ka fulisay waxaa bar-bar socday waxyaabo horumar ah oo ay dadka gobolka Sool u dhashay ku soo kordhiyeen, kadib markii nabadgeliyo la isku halayn karo ay ka tisqaaday gobolka.

Iyadoo ay dadkaasi ku soo kordhiyeen magaaladda Laascaanood dhismeyaal kala gedisan oo isugu jira kuwo Fooqyo ah iyo kuwo kaloo aad u casri ah, iyo sidoo kale horumar dhinaca ganacsiga ah oo ay ka samaysteen Laascaanood.

Hadaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa barnaamij uu telefishan SAAB TV ka diyaariyay horumarka balaadhan ee magaaladda Laascaanood ka tisqaaday dhawrkii sanadood ee u danbeeyay.

Barnaamijkaasi oo lagu soo qaatay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay magaaladda Laascaanood, halka ay maanta marayso iyo horumarka ay ku tallaabasatay.

Daawo: Warbixintaasi Oo Muuqaal Ah:

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply