Aabe Wiilkiisa ku KHasbay Dawarsiga

0
462

Booliiska magaalada Shangahia ee dalka china ayaa la kulmay wiil yar oo jilbaha dhulka dhigtay isla markaana xambarsan shandadii dugsiga oo dadaka dawarsanaya. Wiilkan oo ku sugnaa istaanka tareenada laga raaco ayaa muuqaal ahaan  ay ka muuqtay diif iyo gaajo.

Booliiska ayaa siiyay cunto iyo cabitaan, waxaana intaasi ka dib ay weydiiyeen sida uu halkan ku yimi iyo sababta uu u dawarsnayo.  Wiilka ayaa u sheegay inuu halkan aabihii keenaya oo kaga tegay ka dib markii uu ku  amray inuu sidaasi u fadhiisto oo rakaabka tareenka raacya derwarsado.

Wiilka aya sababta aabihii u ciqaabay ku sheegay ka dib markii uu ka shaqayn waayay laylis dugsiga laga soo siiyay. Hooyada wiilkan dhashay ayay boolisku u yeedheen oo wiilka halkaasi ka kaxaysay, waxana ay sheegtay in aanay aabaha la ogayn ciqaabka khariban ee uu kala kacay wiilkooda yar. Laakiin waxay cadaysay in aabuhu aad uga xumaaday in wiilkooda 10 sano jiray  aanu ka shaqayn casharada dugsiga.

Booliiska ayaa markii danbe u yeedhay Aabaha wilka dhalay waxaana ay siiyeen digniin in aan mar danbe fal noocn oo kale kula kicin caruurta.  (thestar.com.)

 

Leave a Reply