Dawladda Taagta Daran ee Xamar oo Bixin Kariwayday Mushaharka Ciidamada

0
793

Muqdisho-(Dawan)-Ciidamo ka tirsan dawladda aan iskeed isku maamuli karin ee Soomaaliya ayaa gadood ka sameeyey magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeysa taalada Daljirka Daahsoon iyo xarunta wasaaradda Amniga.

 

Ciidamada ayaa xidhay waddooyin muhiim ah oo laga ilaaliyo madaxtooyada dalka qalaalsuhu ragaadiyeen ee Soomaaliya, iyaga oo ka cabanaaya  mushaar la’aan haaysatay muddo sannad iyo sagaal bilood ah sida ay u sheegeen qaar kamid ah warbaahinta Muqdisho oo ay la hadleen.

 

Ciidamada oo ah qeybta 27-aad ayaa xidhay isu socodka Daljirka Dahsoon illaa waddada dhanka Xaawo Taako oo ah koontaroolka ugu horeeya ee laga ilaaliyo Madaxtooyada Kaaraha laga dul maamulo waxaanay sheegeen in ay ka soo baxeen saldhigyadooda maadaama ay waayeen xuquuqdooda ciidanimo.

 

Dawladda taagta daran ee xamar ayaa ku fashilantay in mushahar ay siiso ciidamada Dawladda taa bedelkeeda waxa ay dhaqaale walba ku bixisa sida ay u kala gayn lahayd shacabka walaalaha ee ku wada nool Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ku dul silicsan ciidamada naftooda u huriya dawladda iskeed isku maamuli Karin.

 

 

 

Leave a Reply