Raashin Dhacay Oo Laga Soo Celiyay Itoobiya Oo La Keenay Wajaale

0
517

Tog-Wajaale (Dawan): Hay’adda dhawrista tayadda badeecadaha Somaliland ayaa baadhitaan iyo xaqiijin ku soo samaysay raashin dhacay oo laga soo celiyay dalka Itoobiya, kaasoo markii hore ka dhoofay dhinaca Somaliland.

Raashinkaasi dhacay oo noociisa lagu sheegay Misir ayaa la dhigay magaaladda Tog-wajaale ee xadka Somaliland iyo Itoobiya. Kadib markii la ogaaday in uu dhacay ama xumaaday oo aan la isticmaali Karin.

Wefti uu hogaaminayay guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayadda badeecadaha Somaliland ayaa maanta kormeer ugu baxay magaaladda Wajaale si ay u soo cadeeyaan in Misirkaasi uu dhacay ama xumaday iyo in kale.

Markii ay weftiga guddoomiyaha hay’adda tayadu gaadheen Wajaale waxay kulan la qaateen masuuliyiinta degmadda Wajaale, kuwa maamulka kastamka Wajaale iyo ciidamadda Tulba-taariyadda.

Waxaanay masuuliyiinta Wajaale warbixino la xidhiidha sida ay magaaladu ugu baahan tahay in la xoojiyo baadhitaanadda dhinaca badeecadaha kala duwan ee ka dhoofa ka siiyeen guddoomiyaha hay’adda tayadda iyo xubnihii la socday.

Muuse Xasan Xaaji Yuusuf, guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayadda Somaliland ayaa uga mahad celiyay maamulka degmadda Tog-Wajaale warbixinta fiican ee ay ka siiyeen xaaladaha alaabooyinka dhacay iyo waxyaabaha magaaladda ka dhex socda.

Guddoomiyaha hay’adda tayadu waxa kaloo uu sheegay Wajaale ay muhiim u tahay in la balaadhiyo hawlaha baadhitaanadda badeecadaha ka dhoofa, maadaama oo ay ku taallo xuduudka Itoobiya.

Waxaanu balan qaaday in ay ka hay’ad ahaan is-bedel weyn ku samayn doonaan tiradda shaqaalaha ka hawl gala xafiiskoodda Wajaale.

Geesta kale guddoomiyaha degmadda Tog-Wajaale Xaashi Maxamed Cabdi, ayaa sheegay in Wajaale ay ka jiraan in raashin iyo waxyaabo kaloo taariikhdii la isticmaalayay dhaafay ay yaalaan, isla markaana ay ganacsatada qaarkood wax ka bedelaan taariikhda sheegaysa wakhtiga uu shaygu dhacayo.

Dhinaca kale guddoomiyaha hay’adda tayadda Somaliland ayaa denbi qaran ku tilmaamay ganacstadda wax ka bedela taariikhda uu dhacayo badeecadaha ay iibiyaan.

Waxaanu sheegay in cidii lagu qabto iyagoo wax ka bedel ku sameeyay badeecado dhacay in ay sharciga la tiigsan doonaan.

 

Daawo: hadaladii Masuuliyiinta:

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply