Trump oo Caddeeyay in Aanay Soomaaliya Dawladdi ka jirin

0
612

New York (Dawan)- Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo bilaabay ololaha uu ku doonayo inuu marka kale dib loogu doorto madaxnimada dalka Maraykanka, ayaa Soomaaliya ku tilmaamay dal dawlad la’aan ah oo aanu ammaan ka jirin, sidoo kalena waxa uu weerar afka ah ku qaaday Ilhaan Cumar oo ka tirsan koongareeska Maraykanka, waxaana uu taageerayaashiisa u sheegay in haweeneydani ay doonayso inay Maraykanka ka dhigta “sida dalka ay ka soo jeeda ee Soomaaliya oo kale”

Trump ayaa hadalkan ka jeediyay isku soo bax siyaasadeed oo uu Sabtidii ku qabtay gobolka Oklahoma kaas oo ah kii ugu horreeyay ee uu qabtay tan iyo markii uu dillaacay xannuunka Covid19 bishii March.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa magaca Ilhaan si khaldan ugu dhawaaqay isaga oo yidhi “Eel-ann” iyada oo ay u sacbinayeen taageerayaal aan badnayn oo u soo soo baxay dhageysiga khudbadiisa.

Waxa uu ka digay in Ilhaan Cumar ay suuragal tahay inay qeyb ka noqoto maamulka Maraykanka haddii musharraxa madaxtinnimada ee xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden uu ku guuleysta doorashada dhici doonto bisha Nofeembar.

“Waxay jeclaan lahayd inay dalkeenna ka dhigta sida dalkii ay ka timid oo kale- Soomaaliya. Dowlad la’aan, amni la’aan, boolis la’aan. Waxaa ka jirta fowdo uun. Hadda waxay rabtaa inay noo sheegto sidii aan dalkeenna u maamuli lahayn. Maya, waad mahadsan tahay”, ayuu yidhi Trump.

Trump ayaa mar uu booqasho ku tagay Minnesota sannadkii la soo dhaafay waxa uu ku canaantay dadweynaha gobolkasi sababta ay wali raalli uga yihiin inay Congress-ka ku matasho Ilhaan Cumar. “Haweeneyda Congress-ka ka tirsan ee la yidhaahdo Ilhaan Cumar waa qof neceb Maraykanka waxay iska indho tirtay weerarkii September 11 ee lagu soo qaaday waddankeenna, sidee ku oggolaateen in qof noocaas ah uu idinku matalayo Minnesota, aniga aad baan idiinka cadheysanahay dadkiinnan hadda”, ayuu yidhi Trump.

Hadalkan u dambeeyay ee Trump ayaa si weyn loo cambaareeyay. Qaar ka mid ah dadka wax ku qora baraha bulshada ayaa ku tilmaamay inay tahay khalad in Trump uu weerar ku qaada Ilhaan oo tacsi ku jirta kadib geerida aabaheed oo afar maalmood ka hor u geeriyooday xannuunka Covid19. Qaar kale ayaa xusay in Ilhaan ay tahay muwaadin Ameerikaan ah islamarakana aanay habbooneyn in Trump uu la xidhiidhiyo dal ay ka soo qaxday iyada oo yar.

Leave a Reply