Wasiirka Beeraha Somaliland Oo Walaac Ka Muujiyay Ayax Ku Habsaday Dalka

0
555

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda beeraha Somaliland ayaa walaac ka muujiyay dhibaatadda uu Dalagyadii beeralayda u gaystay Ayax aad u fara badan oo ku habsaday deegaamo goboladda dalka ka tirsan.

Waxaanu tilmaamay in Ayaxu uu sanadkan ugu badan yahay dhulka Somaliland, taasoo ay sabab u tahay cimiladda,  sida ay sheegeen khubarrada dhinaca saadaasha ee arrimaha deegaanku.

Axmed Muumin Seed, ayaa Ayaxa ku habsaday Somaliland ku tilmaama aafo qaran, kaasoo muddo dheer oo sanado badan ah ka maqnaa deegaamadda Somaliland.

Hase yeeshee sanadkan horaantiisii in Ugaxaantiisu dilaacday, wuxuuna ka bilaabay xeebaha goboladda Saaxil iyo Awdal. Kaasoo markii danbe-na si weyn ugu faafay goboladda iyo degmooyinka dalka.

Wasiirka wasaarada beeraha Somaliland waxa uu sidan ka sheegay warbixin uu maanta ka siinayay dhibaatadda Ayaxa guddi hoosaadka ilaalinta deegaanka, xoolaha iyo khayraadka dabiiciga ah ee golaha Wakiiladda somalilandoo.

Wasiirka wasaaradda beeraha Somaliland waxaa kulankaasi ku wehelinayay xubno ka tirsan agaasime-waaxeedyadda wasaaradda beeraha.

U jeedadda kulanka ay guddi hoosaadka deegaanku wasiirka ugu yeedheen ayaa la xidhiidhay sidii ay wax uga waydiin lahaayeen hawlaha shaqo ee ay wasaaradda beeruhu qaranka uga masuulka tahay iyo xaaladaha dhinaca deegaanka la xidhiidha ee dalka ku soo kordhay.

Waxaanay xildhibaanadda guddi hoosaadku wasiirka beeraha wax ka waydiiyeen Ayaxa goboladda dalka ku habsaday iyo qorshaha wasaaradda beeraha iyo sida ay uga hawl gashay la dagaalanka Ayaxa iyo arrimo kale.

Geesta kale wasiir Axmed Muumin Seed, waxa uu sheegay in ay ka wasaarad ahaan ku dedaaleen sidii looga hor tegi lahaa aafadda Ayaxa, isla markaana ay maanta iyo shalay buufinta xagga sare ee Ayaxa gobolka Maroodijeex ka bilaabeen laba diyaaradood oo ay ku caawisay hay’adda FOA.

Sidoo kale waxaa buufinta Ayaxa goboladda beeralayda ah oo dalka ka mida maalmahanba ka waday lix baabuur oo qalabka Ayaxa lagu buufiyo uu saaran yahay, kuwaasoo uu sheegay wasiirku in ay wax badan  ka qabteen Ayaxa ku habsaday beeraha.

Axmed Muumin Seed, waxa kaloo uu tilmaamay in labadaas diyaaradood ay hawsha buufinta Ayaxa dalka ka wadi doonaan muddo laba bilood, isla markaana marka ay dhameeyaan deegaamadda gobolka Maroodijeex ay u gudbi doonaan gobolka Togdheer.

Waxaanu intaas raaciyay in diyaaradahaasi oo joog hoose ku duulaya loo baahan yahay in amaankoodda la ilaaliyo aadna looga taxadiro meelaha qaarkood.’

Sidoo kale waxaa buufinta Ayaxa ka qayb qaadanaya 8 Mootooyinka dheereeye ah iyo qalabka dadku dhabarka ku qaataan, iyadoo daawooyin suntan Ayaxa lagula dagaalamo ahna loo qaybiyay beeralayda.

Dhinaca kale guddoomiyaha guddi hoosaadka ilaalinta deegaanka, xoolaha iyo khayraadka dabiiciga ah ee golaha Wakiiladda xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf, ayaa sheegay in ay ka guddi ahaan ka qayb qaadanayaan hawlaha wacyigelinta iyo la dagaalanka Ayaxa ku habsaday meello badan oo dalka ka mida.

Waxaanu xildhibaan Waabeeye, Ayaxa ku habsaday deegaamadda dalka ku tilmaamay aafo qaran oo u baahan in la sameeyo hawl-gallo balaadhan, si looga bad-baadiyo dhibaato ka soo gaadha dalagyadda beeraha iyo daaqaba.

Daawo: Su’aalihii Xildhibaanadu Waydiiyeen Wasiirka Beeraha iyo Jawaabihiisii:

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply