Quraankii oo laga Haajiray

0
616

W/Q Boqore Ahmed Abdi

Waxaan rabba in aan idiin soo gudbiyo qiso yar oo ku saabsan dadku sida ay uga tageen, ama haajireen Kalaamka ALLE.

Waxaa jiray bulsho Soomaaliyeed oo ku noola Qurbaha, waxaaney isku imsn jireen xiliyada munaasibadaha, sida Ciida, Ramadaanka, Jimceyaasha.

Bulshadaasi waxaa ay go’aan sadeen sheekh Quraanka yaqaanay oo goobtaasi la joogey inuu Quraankana baro salaadahana tujiyo, islamarkaana ay dabaraan noloshiisa.

Xili Ramadaana oo uu sheekhaasi salaadaha Taraawiixda Tukin jiray, ayaa dadkii waxaa ay go’aansadeen in habeenba reer uu afurada iyo cashada la cuno.

Habbeen habeenada ka mida ayaa waxaa uu ku soo beegmay oday iyo islaan waayeela oo aan ubad heysan, sheekhu markii uu masaajidka u sii baxayay, masuuliyiintii guriguna ay ka cag horeeyeen, waxaa indhihiisuu qabteen lacag miiska saaran oo dabeyshu ay babineyso ‘sheekhii waxaa uu is yidhi lacagtan intii danayshu waayi laheyeen ee adiga lagugu tuhmilahaa, qaad oo Kitaabka ayaaney gafeyne ee ay mar walba akhriyayaan ugu rid.

Markii ay Guriga ku soo laabteen labadii waayeelka ahaa ayaa waxay is waydiiyeen lacagtii ay miiska kaga tageen,waxaanay tuhmeen Maxalinkii Qur,aanka oo ay is yidhaahdeeb tolow sheekh ma gacant ayaa kaga dhacday.

Sidii caaddada ahayd waxa ay gaadhay habeenkii uu reerka ku qornaa,markii uu cuntadii cunay waa ay waydiin kari waayeen waanu iska tagay.

Sanad kadib sheekhuu waxa uu ku soo noqday reerkii oo sidii u tuhunsan waxaanu la kulmay labadii waayeelka ahaa oo aanu wajigoodu wanaagsanayn,markii la afuray ayaa odaygii waayeelka ahaa waxa uu waydii wax ma dareentay,haa waan dareemay oo sidii hore iima tihindin ee maxaa soo kordhay?.

Waxa uu odaygii ugu jawaabay adeer ma adiga oo sheekha oo ninkii Masaajidka na tujinaya ah ayaa lacagtii aanu miiska kaga aad qaadatay,sheekhii wuu ilmeeyay dabadeed odaygii ayaa ku celiyay ma inta aad lacagtii qaadatay ayaa hadana ooyaysaa sheekhii ayaa ku jawaabay isaga oo ka murugaysan sida looga tagay akhriska kitaab ALLE,adeer masxafkaasi ayaan ku riday lacagtiiye e maydaan kala furin miyaa oo maydaan akhriyin miyaa mudadaa halka sano ee aan idinka maqnaa.

Waxa uu soo qaaday kitaabkii oo halkii yaala waxaanu ka soo saaray lacagtii uu ku riday sanad ka hor.

Qisanadi waa qiso dhab ah oo ka dhacday qurbaha waxaanay daliil u tahay sida ay bulshadu uga tageen akhrinta Kalaamka EEBE ee mudan in la joogteeyo.

Qisadani waxan ka soo xigtay sheekh Maxamuud Haybe oo khudbadii jimcaha nagula wadaagay Masaajidka Rashiid ee Hargaysa.

Leave a Reply