Xukuumadda Somaliland oo Fasaxday Dulimaadyadi Diyaaradaha

0
651

Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Somaliland ayaa  si rasmiya u shaacisay inay laashay guud ahaanba go’aanadii xayirada ahaa ee ay hore u saareen si looga hortago faafitaanka xannuunka covid 19.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa sheegay in wixii ka danbeeya salaasada maanta in ay furan yihiin dhammaan xuduudihii Somaliland, ee Badda, dhulka, cirka, iyo goobihii ganacsiga iyo waxbarashada, iyo masaajidada oo ay hore u xayireen, cabsi laga qabay fiditaanka xannuunka safmareenka ah ee Covid-19.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa daboolka ka qaaday in sababta keentay in wax ka badel lagu sameeyo go’aanadii hore ay tahay in la fududeeyo isu socodka bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaanu tilmaamay in todobaadkan soo socda ay soo saari doonaan go’aanio kale oo la xidhiidha xannuunka Covid-19.

Dhanka kale madaxweyne ku xigeenku waxaa uu shaaca ka qaaday shuruud ku xidhan cidkasta oo ka soo degaysa, xuduudaha, dhulka, badda iyo cirka.

waxaanu sidan ka sheegay shir jaraa’id oo ay maanta guddidu ku qabatay aqalka madaxtooyadda Somaliland.

Leave a Reply