Ganacsiga Magac Bixinta Caruurta!

0
1906

Beau Jessup waa gabadh u dhalatay dalka Ingiriiska oo 19-jir ah, waxaana wakhtigan ay dhigataa “ London School Of  Economic” iyadoo maadada  “Social Anthropology “  oo ka mid cilmi nafsiga lana xidhiidh barashada bulshooyinka, dhaqankooda, saqaafadooda iyo horumarkooda.

Gabadhan ayaa curisay ganacsi muhiim ah oo ay ka ururisay lacag ku filan oo ay iskaga bixiso waxbarashada. Jessup waxa ay leedahay website gaar ah oo magacyada u bixiya caruurta Shiinaha ee dhasha, kuwaasi oo waalidkood doonayo in loogu bixiyo magacyada dhaqanka ah ee dalka Ingiriiska.

Gabadhan oo u warantay warbaahinta ayaa sheegtay in fikraddu ku dhalatay markii sanadkii 2015 ay aabeheed u raacday safar u ku tegay dalka aabaheedna xidhiidh ganacsi ka dhexeeyo uu ka codsaday in gabadha yar ee uu dhalay oo 3 sano jirtay ugu soo bixiso magac Ingiriis ah.

Jessup ayaa intaasi ku dartay in maalintaasi ogaatay in sida Mr.Wang ugu baahan yahay magac ay dhamaan waalidiinta kalena u baahan yihiin.  Tirada caruurta ay wakhtigan u bixisay magaca ayaa gaadhaya 677 kun, waxaana ka soo gashay lacaga kor u dhaaftay 400 kun Gini.

Jessup waxay u sameysay xog uruurin ah 4,000 oo magac oo loogu talagalay websaytka oo leh shan astaamood oo xidhiidh la leh magac kasta si fiican u matalaya.

Marka waalidku galo websitka ee astaamaha ilmaha sheego wiil ama gabadh ama sifooyin kale , barnaamjika ayaa kula talinaya inuu  seddex magac u kala dooro kuwaasi oo  xidhiidh la leh dadka  caanka ee sifaadka ilmahaasi leh.  Intaasi ka dibna waalidka ayaa dooran kara magaca uu ka xusho kuwa loo soo bandhigay.

 

 

 

Leave a Reply