Tartankii Caanka Noqday

0
509

Dalka Zair oo wakhtigan loo yaqaano Kongo D.Reublic bishii October 30, 1974 , 4:00 PM,  Galabnimo waxa garoonka “Stade Tata Raphael stadium” lagu qabtay tartan feedhka miisaanka culus ah oo dhex maray feedhyahankii caanka ah George Foreman oo haystay horyaalka feedhka Adduunka iyo Mohamed Ali Kelay.

Ciyaartan waxa ka soo qayb galay daawadayaal gaadhaya 60,000 kun qof . Waxay ahayd mid aad loo sugayay lana xiisaynayay, maxaa yeelay G.Foreman aad ayuu uga cadhaysnaa Mohamed Kelay waxaana uu balan qaaday inuu feedh nafta kaga jari doono. Dad badan oo la taliyay Mohamed Ali Kelay  in aanu ninka la ciyaarin, waa uu ka diiday Maxamed Cali.

Laakiin markii ciyaarta feedhku maraysay wareegii 8 aad ayuu si weyn u garaacay oo dhulka ugu tuuray. Waxaana tartankan loogu yeedhaa dhacdo ciyaareedkii ugu weyna qarningii 20 aad “arguably the greatest sporting event of the 20th century”.  Waxaana dad badani u arkayeen inay ahayd dhacdo is miidaamin ah oo Maxamed Cali Kely ku dhaqaaqay laakiin geesinimadiisa iyo kalsoonidiisa uu ku hantay  guusha iyo horyaalka feedhka culus ee dunida hogaanka u qabto.

Leave a Reply