Sool: Badhasaabka oo soo dhaweeyey Mashaariic laga hirgelinayo Gobolkiisa

0
498

“Waxaan soo dhawaynnayaa, wareegtada ka soo baxday Wasaaradda horumarinta Biyaha Somaliland ee lagu oggolaaday bilaabidda ceelesha Xidh-xidh iyo Qoriley.”sidaasi waxa yidhi Badhasaabka Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo soo dhaweeyey mashaariic dhanka horumarinta Biyaha ah oo laga fuliyey deegaamo hoos yimaada gobolkaas.

Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray “Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ah hormuudka mashaariicda kala duwan ee gobolka Sool ka socda, guudoomiyaha barlamanka, Baashe Maxamed Faarax & wasiirka wasaaradda horumarinta Biyaha Maxamed Muuse Diiriye ayaan uga mahad mashaariicda ku aaddan hoos u dhigga baahiyaha dhinaca biyaha ah”

Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, waxa uu intaasi raaciyey isagoo sii tahkiidiyey codsi wasaaradda Biyuhu u qortay Hay’adda fulinaysa mashaariicdan “Wareegtan oo lagaga sanqadhiyey Dharkaayn geenyo Ceel inay u baahan tahay-na, ayaan sii xoojinayaa inay mudan tahay, aanna u tooga-haynnayno bilaabidda barnaamijka Ceel riiga loogu hirgellinnayno idanka Rabbi . Hoggaanka Qaranka Somaliland & ka maamul gobol ahaan waxaa naga go’an horumarka, adkaynta nabadda & midnnimada bulshada gobolka Sool .”

Wasaaradda horumarinta Biyaha ayaa u ogolaatay Hay’adda Bisha Cas ee Dalka Turkigu in ay laba ceel-biyood ka qodo deegaamada kor ku xusan ee Xidh-xidh iyo Qorilay, sida ku cad warqad ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaraddaasi.

Warqada oo lagu baahiyey bar uu Facebook ku leedayaay Guddoomiyaha Gobolka ayaa u dhignayd sidan;

Leave a Reply