Warbixin Wargeyska Dawan ka Diyaariyay Dalxiiska Laas Geel

0
595

Shaqaale duruuf adag kaga hawl-gala xarunta ugu weyn goobaha Dalxiiska Somaliland

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Laas Geel waa goob Dalxiis oo ka mid ah goobaha dunida ugu faca-weyn, waxaanay 40 meyl dhanka waqooyi ka xigtaa magaalada Hargeysa, waxay caan ku tahay dhagaxaan ay ku xardhan yihiin sawirro muujinaya taariikh fog, kuwaas oo noqday astaan ay Somaliland caan ku tahay, islamarkaana kulmisay boqolaal dalxiisayaal ah oo ka kala yimid daafaha dunida.

Dhagaxaantan sawirrada lagu xardhay oo qarniyo jirsaday ayaa soo jiitay indhaha caalamka, kaddib markii ay soo saareen khubarro Faransiis ahi.
Muuse Cabdi Jaamac, waxaa uu ka mid yahay ilaaliyayaasha sida gaarka ah ugu xilsaaran deegaan dalxiiseedkan Laas-geel, waxaa uu sheegay in ay la daris yihiin duruufo badan oo u baahan in wax looga qabto.

Sidoo kale oday Muuse waxaa uu xukuumadda Somaliland iyo bulshaweyntaba ugu baaqay in laga wada shaqeeyo sidii loo horumarin lahaa loona sugi laha amniga deegaan dalxiiseedka Laas Geel.

Dhanka kale waxaa uu wasaaradda ganacsiga, dalxiiska iyo warshadaha oo ay hoos tagaan shaqaale ahaan isaga iyo inta kala hawl gasha deegaanka Laasgeel ay ka codsadeen wasaaradda in adeegyada ay u baahan yihiin, sida daryeelka caafimaadkooda, direyskii ay xidhan lahayeen, iyo waliba adeegyada kale ee mihiimka u ah sugista goobtan dalxiis in laga taageero, islamarkaana il gaara lagu eego oo la dhaqaaleeyo.

Muuse Cabdi Jaamac waxaa uu si kooban uga waramay taariikhda guunka ah ee goobtani waxaanu yidhi “Halkani waa Laasgeel, waa meesha marka khuburadda dhinaca dalxiisayaashu ay ka sheekeynayaan ay ku tilmaamaan meesha Afrika ugu weyn, waxaa goobtani yimaada dalxiisayaal aad I badan oo isaga kala yimaada dacalada dunida, habeen iyo maalinba way imanayeen, intan xannuunka safmareenka ah ee Covid-19ka la sheegay mooyaane, dadka deegaanka reer guuraga, iyo bulshada kale cidna kama cabano, goob dalxiiseedkani Laasgeel waa shan iyo toban goobood oo loo soo wadda dalxiis tago”

Sidoo kale oday Muuse waxa uu baaq u diray wasaaradda ganacsiga, warashada iyo dalxiiska Somaliland, waxaanu ka codsaday in mushahar loo sameeyo hawl-wadeeno sannado badan ka shaqaynayay goobtan oo aan qaadan wax mushahar ah, waxaanu yidhi “Mushaharka aanu qaadanaa waa sideed boqol oo kun oo Somaliland ah, intayada wasaaradda u diwaangashin, dad nala shaqeynayay ayaanu ciidan darro darteed u dalbaney in ay nala shaqeeyaan kuwaasi oo aan mushahar qaadan, waxna looma qorin sanad walba araaji ayaanu geynaa si ciidanka na loogu kordhiyo, oo kuwan shaqo sugayaasha shaqo loo siiyo welina wax shaqo ahi umay soo bixin ayaa nalagu yidhaaha, marka aanu ka wardoono cidii aanu araajida u geynay, xukuumadda waxaan ugu baaqaya iyo bulshaweynta reer Somalilandba meeshan shaqsina ma laha, reerna ma laha, dadweynaha reer Somaliland ayaa leh waxaan u soo jeedinaya in nabadgeliyadeeda la sugo, dadka shaqaalaha ah ee joogana wax ay ku noolaan karaan loo sameeyo oo la siiyo, in direys nala siiyo oo dawo nala siiyo, oo nala dhaqaaleeyo, oo aanu noqono dad meel u shaqeeya, wasaaradda ganacsiga warshadaha iyo dalxiiska ayaanu ka tirsanahay”

“Laas Geel waa Gunburtaa dhawr iyo toban god ayay leedahay marka aad timaado ee aad fasax uga soo qaadato wasaaradda, dalxiiska Somalilandna waxaad arkeysa dhul badan oo ku farax geliya oo daawashada u roon, oo dadkii leh, oo xayawaanadii wakhtigaa jiri jiray ay ku sawiran yihiin ayaad ka helaysaa, waana goob qabow oo dadka dalxiiska u imanaya aanay kaba tagi karrin” ayuu yidhi Muuse Cabdi Jaamac kana mida waardiyayaasha deegaan dalxiiseedka Laas Geel.

Ismaaciil Saqadhi oo isna ka mida shaqaalaha sida maalin laha ah uga hawl gala deegaan dalxiiseedka Laas Geel, ayaa xukuumadda Somaliland ka codsaday in intooda bilaa mushaharka ah loo qoro mushahar waxaanu “Laas Geel waa goob taariikhiya oo dowladda Somaliland wax badan u tareysa, waa dhul wanaagsan, waa dhulkeeni muddo afar sanadooda ayaanu goobtan ka shaqeyneynay, waxaa aanu masuuliyiinta xukuumaddayada ka codsaneyna in wixii bilaa mushahara u samayso mushahar ay ku nooladaan, kuna ilaaliyaan goobtani dalxiis, waa meel aad loo jecel yahay”

Leave a Reply