WEEDHA WARGEYSKA Universal Xadhiga Dan baa ugu Jirta

0
378

Shalay waxaa la xayiray xaruntii Telefishanka Universal ee Hargeysa. Maadaama Somaliland ku caan baxday xoriyadda hadalka iyo dimuquraadiyada qofka iyo hay’adaba dhawraya, waxaa laga yaabaa in dad badani Arrintan xayiraadda Telefishanka sababta keentay is weydiiyaan, maadaama aanay in badan oo ka mid ah dadku daawanin beryahan danbe oo ku xidhan yihiin shabakaddaha xidhiidhka bulshadda.
Koobnaan, Jamhuuriyadda Somaliland waxaa telefishanka Universal la galay heshiis uu kaga hawl-gelay dalka oo lagu siiyay ruqsad.
Heshiiskaasi, waxaa uu siiyay Tv-ga xuquuqaad, waxaana uu sidoo kale ku waajibiyay saarayay waajibaad iyo xaq dalku ku leeyahay waa laba is daboollaya.
Waxaa waajib ku ah oo telefishanka ruqsadda lagu siiyay ka dib markii uu saxeexay inuu u hoggaansanyahayo oo uu sida ay tahay uga soo baxayo waajibaadka saran oo ay ka mid tahay tusaalle ahaan, – – Inuu Ilaalinayo Qarannimadda iyo madaxbanaannida dalka Jamhuuriyadda Somaliland, Islamarkaana ku dhaqmayo distoorka iyo xeerarka u yaalla.
Inuu fullinayo oo dabaqayo xeerarka Mihnadda saxaafaddu ku waajibinayso.
In aanu sinna ugu xad-gudbayn qiyamka iyo qabitaannada ummada, in uu illaalinayo oo aanu dhaawacayn sharafta, dhawrsanaannta danta guud iyo ta gaarka ah, IWM….
Isna waxaa uu xaq u yeeshay inuu ka hawl-gallo xafiisyo ku yeesho, hawlihiisa u madaxbanaannaado oo aan wax faaf reeb ah lagu sameynin.
In kasta oo aanu qallinku ka hordhacayn OO Baadhisi ku socoto, haddana, sidda Wasiirka Warfaafintu mudane Saleebaan Cali Koorre tilmaamay waxaa uu meel kaga dhacay heshiiskii uu dalka la galay iyo mihnaddii saxaafaddaba. Waxaana tusaalle loo soo qaadan karraa, waxaa uu ogollaaday oo ruqsadda lagu siiyay in uu illaalinayo Qaranimadda iyo madaxbanaannida Somaliland, waxaana uu sameeyay taas bedalkeedda oo waxaa uu maalintii xoriyadda Somaliland ka qaadatay dawladda Ingiriiska iyo callankii Hargeysa laga taagay ayuu daadifeeyay.
Waxaa uu meel kaga dhacay mihnnadii Saxaafadda oo waxaa uu diiday inuu u sinaaddo Somaliland iyo Somalia, ka dib markii uu labaddii Xafladood ee 26-ka June ee lagu kala qabtay Hargeysa iyo Muqdisho diiday inuu xattaa u sinaado oo labaddaba marba mid toos u qaato. Haddii aanu heshiiskii uu xafiiska kaga furtay Somaliland xataa fulinayn. Waxaana uu isku koobay Xafladii Muqdisho isaga oo xafladii Hargeysa ka dahcaysana xaqiray.
Sidoo kale, waxaa uu meel kaga dhacay damiirkii daawadayaashiisa iyo ganacsatadda ku xidhan ee reer Somaliland ka dib markii uu duudsiyay xaqii ay ka macmiil ahaan u lahaayeen inuu rabitaankoodda tixgeliyo, taasina waxaa ay keentay in dad badani ka cadhoodo, dan baanay qallinka ugu muuqatay in amaankiisa si loo illaaliyo inta baadhista iyo dacwaddiisu socoto in la hakiyo si aanay wax u yeellin dad gadoodsani.

Leave a Reply