Somaliland : Wasiirka Diinta oo Baaq U Diray Waalidiinta iyo Macallimiinta Dugsiyada Qur’aanka oo Furmaya

0
557

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed, ayaa Maamulka iyo Macallimiinta Dugsiyada Qur’aanka ugu baaqay inay fuliyaan awaamiirta badbaadinta Ubadka ay Quraanka barayaan si looga hor-taggo xannuunka Covid19, maaddaama .30-ka June oo ku beegan Salaasada Berri ay dalka dib uga furmayaan Maddaarista Qur’aanku.

Farrimaha Wasiirka, ayaa yimi ka dib markii 23-kii June Guddida Qaran ee ka ho-rtagga Xanuunkaasi qaadeen xayiraadihii cudurkaas lagu xakamaynayey, qaarkoodna khafiifiyeen, isla markaana dib u fasaxeen goobaha waxbarashadda ee la xidhay 19-kii March 2020.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil oo Warbaahinta Kula hadlay Maanta Xafiiskiisa xarunta Wasaaradda ee magaalada Hargeysa, ayaa Waalidiinta ugu baaqay inay oggaadaan daryeelka Macallimiinta Carruurtooda Quraanka baraya oo uu sheegay in aannay badi wax mushahar iyo dhaqaale ah helin saddex bilood oo cuddurka Covid-19 awgii loo fasaxay goobaha Waxbarashadda ee Somaliland.

Wasiir Khaliil waxa uu sheegay in Farxadda iyo Aflaxaadda Ardaydu dedaalka ka sokow ay ku jirto ka Farxinta Macallimiinta, gaar ahaan kuwa Quraanka Kariimka ah, taas oo uu ku adkeeyey inay waalidku muujiyaan, isla markaana hirgelinteeda la yimaaddaan.

Mar la weydiiyey inay jiraan qorsheyaal gaar ah oo ay Dugsiyada Quraanka ee dib loo furayo kula socon karaan Wasaarad ahaan iyo Guddida ka hor-tagga COVID-19, waxa uu sheegay Wasiir Khaliil inuu jiro Kormeerka guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo ay Dugsiyada Quraanku hoostagaan maamul ahaan oo si joogto ah ula socon doonaan habka ay u maaraynayaan awaamiirta la faray ee nadaafadda, kala fogaanshaha, badqabka ubadka iyo ilaalintoodaba, sidoo kalena ay Guddida Qaran si guud ula socon doonaan cidda fulisa iyo cidda fulin weyda qodobbada laga doonayo.

Haddaba, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo qodobbadaas sharraxaya, baaqaas laba geesoodka ahna diraya, waxaannu warkiisa idiinku soo gudbinaynaa

Halkan ka Daawo

Leave a Reply