Xisbiga KULMIYE oo soo Dhaweeyay Ansixintii Xubnaha Guddida Doorashooyinka

0
615

Hargeysa (Dawan)  Xisbiga talada dalka haya ee xisbiga KULMIYE, ayaa soo dhaweeyay codkii aqlabiyadda ee golaha wakiiladu  ku ansixiyeen labadii xubnood xisbiyadda mucaaradka ee WADDANI iyo UCID u soo magacabeen guddida doorashooyinka. Qaranka Somaliland.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa, oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay. In xisbiga KULMIYE, aaminsanaayeen in golaha wakiiladu meel mariyo ansixinta labadii xubnood ee xisbiyadda WADDANI iyo UCID, ee guddida doorashooyinka Qaranka, isla-markaana ay u qabsoomaan doorashooyinka golaha wakiilada iyo golaha deegaanka dalka.

Maxamuud Jaamac Warfaa oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Si fiican ayaa loogu codeeayay labadii xubnood ee koomishanka doorashooyinka Qaranka ee xisbiyadda WADDANI iyo UCID ka xisbi ahaan KULMIYE marka horeba waxa aanu aaminsanan in labadaa xubnood ee xisbiyadda mucaaradka ee guddida doorashooyinka la ansixiyo si guddida doorashooyinka hawlahooda u qabsadaan doorashooyinka wakhtigii loogu talo ay ku dhacaan ayaanu aaaminsanan, Xisbiga KULMIYE, marnaba muu hor taagnan in la ansixiyo labadaa Xubnood ee Koomishanka Doorashooyinka ee Xisbiyadda Waddani iyo UCID si fiican ayaana loogu codeeyay waxaana aan leeyahay koomishanka Doorashooyinka qabsada hawshiina,”.

Maxamuud Jaamac Warfaa waxaa uu ka hadlay diidmadii labada xubnood ee golaha wakiiladda, “Waxa markii hore Golaha Wakiilada u diiday in uu ansixyo labadaa xubnood ee Xisbiyadda UCID iyo Waddani ee Koomishanka Doorashooyinka labo asbaabood ayay ahayd,midi Golaha Wakiilada in uu hor yimaado ayuu diiday taas ayaana lagu diiday ka labaadna labada guddi ee koomishanka Doorshooyinka ayuu ku wada jiray oo Xubinta Koomishanka Doorashooyinka labo guddi kuma wada jiri karo,markaa midina raali galin ayuu ka bixiyay diid madiisii in uu golaha wakiilada hor yimaado kii kalana wuu ka tanaasulay in ka mid ahaado gudidii hore ee Koomishanka Doorashooyinka si daas daraadeed ayaana lagu ansixiyay”.

Sidoo kale Xildhibaanku ayaa waxa uu Sheegay in Xisbi ahaan Kulmiye ay diyaar u yihiin in la dhamaystiro wixii caqabada ee ku gadaaman qabashada Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Golaha Deegaanada dalka.waxaana uu yidhi“Anaga wixii nagu xidhan Doorashooyinka ka xisbi ahaan iyo ka gole ahaanba in aanu meel marino diyaar ayaanu u nahay waana Saamiqaybsiga ku raasta Golaha Wakiilada ee Gobalada dalka waa arin jirta,sida ugu fudud ayaana Xukuumadda u dhamays tiri doontaa Saamiqaybsiga,”.

Leave a Reply