Deg Degg : “Wuxuu Khatar ku Yahay Faysal Cali Waraabe Abniga iyo Midnimada umadda”Golaha wakiiladda

0
612

Hargeysa (Dawan) Guddida joogtada ah ee holaha wakiiladda oo soo jeediyey in xasaanada laga qaado gudoomiyaha xisbiga Ucid.

Guddiga oo Shir-jaraa’id ku qabtay xarunta golaha wakiillada ayaa iyagoo daliishanaya Qodobbo ka mid ah Dastuurka waxay sheegeen inuu Guddoomiyuhu ku gefay Xildhibaannada golaha wakiillada ee laga soo doorto Gobollada bariga, sidasi darteedna ay soo jeedinayaan in xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland inuu ku soo oogo eedaymo salka ku haya kicin dadweyne oo ay sheegeen inuu ka dhalan karo xadhig u dhexeeya 6 Bilood ilaa 5 sano kaas oo uu wajihi karo udoomiyaha xisbiga UCID.

Gudoomiyaha xisbiga UCID in Faysal Cali Waraabe, in uu yahay qof aan qaadi karrin masuuliyad Qaran, khatarna uu  ku yahay abniga iyo midnimada umadda Somaliland.

Sidaasi darteed waxaa guddida joogta ah ee golaha wakiiladu  soo saareen go’aamadan

1 In maanta laga bilaabo uu yahay nin aan ixtiraamin kuna dhaqmin dastuurka iyo xeerarka dalka

2 Laga bilaabo maanta in aan loola dhaqmin loona aqoonsan in uu yahay guddoomiyaha xisbiga UCID, wax wada shaqeyn ahna aanay la yeelan golaha wakiiladdu, xukuumadda laamaha kala duwan iyo hay’addaha caalamka ee inaga caawiya dimuquraadiyada.

3  In guddida diwaangelinta urrurada iyo ansixinta asxaabta Qaranku ka qaado xasaanada, si talaabo sharciga waafaqsan looga qaado Faysal Cali Waraabe oo baalmaray   xeerarka kor ku tilmaaman.

4 In xeer ilaalayaha guud ee Qaranku ku oogo dhammaan danbiyada ka dhashay hadalkii Faysal Cali Waraabe warbaahinta siiyay.

Waxaana saxeexay  laba toban xildhibaan oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiilada kana mida

 

 

Leave a Reply