Siyaasiyinta Madasha Wada-tashiga Somaliland oo 1 July ku Sifeeyay Maalin Madow

0
638

Hargeysa (Dawan) Siyaasiyiinta madasha wadatashiga Somaliland ayaa 1/7/2020 ku tilmaamay maalin ay shacabka Somaliland ay u tahay maalin madow, islamarkaana aanay marnaba ilaabi karrin.

Sidoo kale siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga Somaliland waxaa ay caddeeyeen in dhibaatadii soo gaadhay bulshada Somaliland ay wali taagan tahay, maalintana ay tahay mid ugu suntan taariikhda maalin madow.

Dhanka kale waxaa ay xuseen in aanay marnaba suuragal aheyn in Somaliland iyo Soomaaliya marnaba ay midoobaan, oo bulshada Somalilandna ay go’aansadeen in ay noqdaan waddan madax bannaan, waxaanay 1 bisha July ku sifeeyeen maalin dadka reer Somaliland ay ka dhaxleen burbur iyo xasuuq.

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi kana tirsan bahda Madasha Wada-tashiga Somaliland isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “1-da Luuliyo waa maalintii aynu eednay markii aynu ku biirnay Soomaaliya, waa maalin aynu si walba ugu burburnay, waxaa jira xasuuqi iyo wixii ay geysteen waa maalin madow xagga Somaliland, July walibana sidaasi ayay ahaan doonta wixii Somaliland ihi inay sidaasi u qaataan, sidii ay inoo xasuuqeena wax  la odhan karrayo waa xasuuq muu hay nee waxaa uu ahaa “Genocide” ilaa hada wali may qiran in ay wax inoo geysteen”

Dhinacooda iyaguna waxaa goobtaasi ka hadlay siyaasiyiin ka tirsan Madasha Wada-tashiga waxaaney yidhaaheen “1-da July waa maalinta tiiraanyada iyo murugada umadda Somaliland, maalintaasi oo ah maalin madow, kuna madow dadka reer Somaliland, taasi oo ilaa maanta dhibteedii taagan tahay, ‘adigo goolmoono gaajo ay ku heyso, gorofkaaga xoorka leh leyskama gambiyo, aniga isu geysto galabsaday xumaante wixii ila garaadow gobonimo ha tuurina.

Midnimadii Soomaaliya anaga hadii aanu nahay reer Somaliland halkaasi waxaa looga yaqaana bari samaadkii, halkanse madowga iyo dhibaatadaasi ayay dhashay, erayga Somaliland Koonfur oo dhan wuu dhibaa, Somaliland filinka midnimada waa mid ay daawatay”

Sawirka Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga Somaliland, oo maalin madaw ku tilmaamay 1-da bisha July

Leave a Reply