Madaxweyne Ku-xigeenka oo Booqday Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa

0
645

Hargeysa (Dawan) Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna Gudoomiyaha Guddida heer Qaran ee xannuunka Covid-19 kormeer ku sameeyey Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport ee Caasimadda Hargeysa.

Waxaana Madaxweyne ku xigeenka kormeerka ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Cumar Cabdilaahi Badde iyo wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa kormeer ku sameeyey qeybaha kala duwan ee Madaarka sida, meelaha loogu talo galay dadka dhoofaya iyo dadka kasoo degaya madaarka, isagoo u kuur gelaayey hanaanka shaqo ee la xidhiidha baadhista dadka kasoo degaya Madaarka iyo kuwa ka dhoofaya, waxaana halkaasi warbixin ku siiyey Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Madaar Cigaal Maxamed Xuseen iyo Saraakiil ka socotay Wasaaradda Caafimaadka oo iyagu heegan ugu jira sidii ay u hubin lahaayeen bedqadka dadka waddanka soo gelaya iyo kuwa ka baxaaya.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa la kulmay Diyaarada Itoobiya Airline oo markaasi soo fadhiisatay gegida diyaaradaha ee Cigaal International Airport, taas oo siday rakaab ay kasoo qaaday waddanka Hindiya, waxaana laanta socdaalka maamulka Madaarta iyo hawladeenada Wasaaradda Caafimaadku ay sameeyeen hubinta iyo badqadka rakaabkaasi iyadoo qofkasta la waydiinayey Waraaqda caafimaad ee uu kasoo qaatay Waddankaasi uu ka yimi.

Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenku waxa uu tegay xarun loogu talo galay dadka Karintiinka looga shakiyo Xanuunka Covid19 oo ku taala xayndaabka Madaarka, taasi oo loo qalabeeyey si heer sare ah islamarkaana qaadaysa tiro ahaan ilaa 10-qof.

Wa bilaahi tawfiiq.

Leave a Reply