Ra’yi Xumaa Nin aan ku Rabin, kaana Raba inaad u Roonaato Faallo:

0
1054

Laga soo bilaabo wada hadalkii ugu dambeeyay ee ay wada yeesheen dalalka Somaliland iyo Soomaaliya ee ka qabsoomay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ee uu marti geliyay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle isla markaana ay ka soo qayb galeen weftiyo  ay kala hoggaaminayeen Madaxweyneyaasha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Goob joogna uu ka ahaa Raysal-wasaaraha dalka Itoobiya Dr Aby Axmed ,   goob joog na ay ka ahaayeen Beesha caalamku isla markaana shirkaa ay ka soo bexeen go,aamo lagu caddeeyay in ay wada gaadheen labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya  oo shir ku yeeshay dalka Jabuuti.

Markii  shirkaas qodobadii ka soo baxay weftiyadii labada dal wada hadalada u metelayay ay kala saxeexdeen  laguna dhawaaqay  muddo kooban ka dib ba waxaa soo baxay sida aanay Soomaaliya ugu diyaarsanayn in ay Somaliland madal caalami ah ay ku  kala baxaan kuna wad hadlaan oo caalamku u dhegaysto labada dal mid waliba garta uu sheeganayo taasoo ay sabab u ahayd Soomaaliya oo wax ay ku garnaqsato oo aan ahayn midnimo ayaanu doonaynaa iyo gobolda waqooyi wa qayb Soomaaliya ka mid ah.

Markii shirkaa Jabuuti ku dhex maray labada dal uu soo dhammaaday isla markana madal caalamku marag ka yahay lagu kala saxeexday heshiis laba dal ah.

Waxay Soomaaliya qaaday weerar ka dhan ah qarannimad Somaliland iyadoo soo qorshaysay barnamijyo dacaayado ah oo meesha lagaga saarayo in ay jireen ka hor 1-dii Julay ee lixdankii laba dal oo Somaliland iyo Soomaaliya la kala yidhaahdo oo xuduudo caalamiya kala leh oo laba maalmood oo kala duwan xornimadooda  midba gaarkiisa uga qaatay dal gaar ah.

Waxaanay u qalab qaaten in ay smeeyaan  laba magac oo aan jirin oo been abuur ah isla markaana lagu majaro habaabinayo cidda aan wax badan ka ogayn taariikhda Somaliland kuna doonayaan in ay ku dafiraan jiritaanka qaran Somaliland la yidhaahdo oo jiray Soomaaliya ka hor oo  hortood xoroobay oo caalamku aqoonsaday.

Waxaanay soo abaabuleen barnaamijyo idaacado lagu maal geliyay oo loogu yeedhay midawgii gobolada Waqooyi iyo Koonfur.

Haddaba waxay is waydiintu tahay meelna taariikhda Somaliland ma kaga jirta xiligii ay ahayd Mstacmaraaddii Ingiriiska iyo ka hor iyo markii ay ka xorowaday midna ba waxa loogu yeedhay gobolada Waqooyi?

Jawaabtu wa maya maya maya marna may jirin taariikhdii hore ee Somaliland iyo taariikhdii gumaystaha ee gayiga Somaliland in loogu yeedho magaca bacrimiska iyo taariikh bedelka ah ee ay samaysatay Soomaaliya ee ay ula bexeen gobolada Waqooyi,taasoo ay ka leeyihiin ujeedo fog oo qarannimada Somaliland ay ku dafirayaan isla markaana ay ku diidan yihiin in ay midoobeen Somaliland iyo Soomaaliya oo laba dal kala ahaa isla markaana laba xuduudood oo caalamiya kala leh.

Somaliland n waxay qaran ku tahay waxa qaran iyo dalal madaxbannaan ka dhigay Jabuuti,Itoobiya,Sudan Kiiniya iyo dhammaan dalalka Afrika ee ka xoroobay gumaysteyaashii  reer Yurub.

Haddaba waxaa kale oo wax lala yaabo ah in idaacadaha BBC-Somali iyo VOA-Somali in ay noqdaan idaacado xambaara aragtida gurracan iyo taariikhda dhallan rogan ee laga sameeyay Muqdisho ee bixisy magacyada aan jirin ee gobolada Waqooyi iyo koonfur.

Marka la yidhaahdo gobolada Waqooyi iyo Koonfur waxay tilmaamaysaa dal mid ah laba jiho oo ka mid ah laakiin Somaliland iyo Soomaaliya 1-dii Julay ka hor waligood wax ma isku darsadeen? Jawaabtu waa maya,maya maya. Laakiin Somaliland iyo Soomaaliya xiligii mustacmarkii Talyaaniga iyo Ingiriisku ay kala xukumayeen waxay ahaayeen laba dal oo fiise iyo dal ku gal loogu kala gudbo oo  kala ah Somaliland iyo Soomaaliya.

Haddaba Soomaaliya arrinteedu waxay ka dhigan tahay Nimaan ku rabin kaana raba in aad u roonaataa ra’yi xumaa.

Soomaaliya oo wali ku doodaysa in ay diyaar u tahay in ay mar labaad Somaliland la midawdo waxay quudhi la,dahay in ay tidhaahdo Somaliland iyo Soomaaliya oo laba dal kala ahaa oo midoobay lixdankii ayaynu ahayn ee aan dib u midawno.

Haddaba Somaliland maaha gobolada Waqooyi ee Soomaaliya goboladeeda waqooyi halka ay kaga maqan yihiin horta ha soo hesho ka dibna miiska wada hadalka ha timaaddo iyadoo Soomaaliya ah oo aanay gobolo ka maqnayn hana usoo diyaar garawdo wada hadal qarnaqsi ah oo dhab ah oo Somaliland iyo Soomaaliya oo laba qaran ahi ay ku kala baxaan.

Ugu dambayn BBC-Somali iyo VOA-Somali waxaa la gudboon in y iska hubiyaan tariikhda been abuurka ah ee Muqdishaysan ee ay u noqdeen gaadhsiiye yaash dhegaba qoomiyadda Soomaalida ah eek u dhaqan dalalka geeska afrika iyo caalamkaba.

 

W/Q: Weriye Faysal Xiis Afgaab

 

 

 

Leave a Reply