Dilla: Qoysas Danyar ah oo Raashiin La Gaadhsiiyey

0
2071

Dilla-(Dawan)- Maamulka degmada Dilla oo ka tirsan gobolka Awdal ayaa deeq raashin ah gaadhsiiyey shan boqol oo qoys oo ku dhaqan degmadaas.

 

Sida uu ku soo waramayo wariye Abokor Xasan Caafi oo warbaahinta dawladda uga soo warama gobolka Awdal,

Xoghayaha dawladda hoose ee degmada Dilla Muxyadiin Cabdi Cali iyo guddoomiye ku xigeenka degmadaas Cabdilaahi Saxardiid, oo si isku mid ah u faahfaahiyey raashinkaas deeqda ah ee ay gaadhsiiyeen dadka danyarta ah ee ku dhaqan degmadaas, iyaga oo sheegay in raashinkaas ay soo gaadhsiisay hay’adda ka hortaga Aafooyinka Dabiiciga ah iyo kaydka raashinka qaranka, waxayna intaas ku dareen in raashinkaasi loogu talo galay dadkii uu saameeyey xannuunka Covid-19.

 

Geesta kale, waxa halkaas ka hadlay guddoomiyaha Aadan Cismaan Sidci, oo ugu horayn u mahad celiyey xukuumadda oo uu ku bogaadiyey dedaalka xoogan ee ay ugu jirto sidii ay dadka danyarta ah u taakulayn lahayd, wuxuuna xusay in deeqdaas raashinka ah ay bulshada degmadaasi si weyn ugu baahnay.

 

Sidoo kale, waxa iyana halkaas ka mahad celiyey dadkii la gaadhsiiyey deeqdaas raashinka ah ee ku dhaqan degmada Dilla ee gobolka Awdal, iyaga oo alle uga baryey in cid kasta oo gacan ka geysatay deeqdaas raashika ah miisaanka xasanaadka uu ugu daro.

Leave a Reply